Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka
Isniin, September, 10, 2018
(HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa iyo askartii ku
shahiiday falkii argagixisanimo ee saaka ka dhacay Xarunta Degmada Hodan ee
magaalada Muqdisho.
Madaxwaynaha ayaa khudbad uu u
jeediyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa uu ku bogaadiyey shaqooyinkii
muhiimka ahaa ee ay qabteen intii ay socdeen kalfadhiyadii hore, isagoona ugu
baaqay in ay sii dardargeliyaan dadaalladaas, ansixiyaanna sharciyada, xeerarka
iyo siyaasadaha qaran ee wali horyaalla.
“Dalkeennu wuxuu ku jiraa
geeddi-socod siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo bulsho, Qof kasta oo inaga mid
ahna mas’uuliyad ayaa ka saaran arrimahaas oo ay tahay in dhammaan laga soo
wada dhalaalo.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka
warbixiyey dadaallada ay ku bixisay Dowladda Federaalka dib u habaynta
garsoorka, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa, dib u eegista
dastuurka, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo hagaajinta
nidaamka hufnaanta maaliyadda oo fursad u siinaya Soomaaliya inay dib ugu
xirmato hay’adaha dhaqaalaha adduunka.
“Dhammaan shuruudihii
muddadooda la gaaray ee ku xirnaa cafiska daynta waan ku guuleysannay, taas ayaana
sababtay in Midowga Yurub uu inoo ballan-qaaday taageero miisaaniyadeed oo
gaareysa $120 milyan.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in
shirkii Madasha iskhaashiga Soomaaliya ee Brussels ay ka soo baxeen natiijooyin
kaabaya shirkii Golaha amniga ee horraantii Juun ee sanadkan ka dhacay
magaaladda Baydhabo, halkaas oo lagu saxiixay hannaanka doorasho iyo kheyraad
wadaag ee dalka.
Mdaxweynaha ayaa la wadaagay
Mudaneyaasha Golaha Shacabka dowrka Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixinayso
dhiiri galinta isdhexgal dhaqaale iyo mid bulsho oo ka hana qaada Geeska
Afrika.
“Waxaa guul inoo ah in aanu
bilihii na soo dhaafay dadaal ku bixinnay sidii loo dhammeyn lahaa isfaham
darradii ka dhex jirtay waddamada Gobolka, taas oo mira-dhalkeedu noqday in
dalalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Eritereeya ay isfaham ka garaan
xurguftii ka dhaxeysay. Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham
darrada dalalka gobolka, waxaan u gudbeynaa marxalad iskaashi iyo wax wada
qabsi.”
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay
shacabka Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan dib-u-dhiska dalka, dib u xoreynta
iyo dib u soo nooleynta kaabeyasaasha dhaqaalaha, iyadoo loo marayo barnaamijka
is-xilqaan oo aas-aas u noqonaya in Soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto,
waqti kooban gudihiis.
“Ummad walba waxay horumar iyo
barwaaqo ku gaartaa markay isku tashato, wax wada qabsato oo gacmaheedana ku
hagar baxdo, sidii ay Soomaali hore u tiri biyo sacabadaada ayaa looga
dhargaa.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
ayaa tilmaamay qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee lagu hirgelinayo
Barnaamijka isxilqaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhisidda dugsiyadda,
waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo
kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]