4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2018
Qarax weyn oo goor dhaw gilgilay magaalada Muqdisho

 

Isniin, September,10, 2018 (HOL)– Qarax oo ahaa mid xoogan ayaa goor gilgilay gabi ahaanba caasimada magaalada Muqdisho oo siweyn looga maqlay, waxaana warar goor dhaw soo baxay sheegayaan in weerar ismiidaamin ah lagu qaaday xarunta degmada Hodan.

Rasaas goos goos ah ayaa la maqlay sidoo kale waxaa ku soo qul qulaya halka uu qaraxa ka dhacay gaadiidka gurmadka deg deg ah.

Wali faah faahin dheeraad ah lama hayo laakiin kala socon Hiiraan Online wixii ka soo kordha..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]