4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2018
Qof lala xiririnayo Al-shabaab oo lagu qabtay Isbitaalka Lamu, Kenya

 

Isniin, September,10, 2018 (HOL)– Booliiska gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen qof lala xiriirinayo in uu ka tirsan yahay Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxa baariista danbiyada Paul Leting gobolka Lamu ayaa sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen agab loo maleynayo in loo adeegsanayay farsmeynta walxaha Qaraxa.

" Waxaan haynaa nin aan ka shakisanahay in uu xiriir la leeyahay argagixisada, su’aalo ayeey-nu weydiineynaa, waxaa soconaya baaritaano dheeraad ah, waxaan sidoo kale qaban qalab loo adeegsado farsameynta walxaha qarxa ‘’ayuu yiri Mr Leting.

Al-shabaab ayaa todobaadkii hore dilay shan ka tirsan ciidamada militariga Kenya oo marayay deegaan aan ka fogeyn Lamu, kaddib markii qarax xoogan lagu weeraray gaari ay la socdeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]