3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinaya maanta furintaanka Kalfadhigga Afaraad ee Golaha Shacabka

 

Isniin September, 10, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah u furaya kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka.

Sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya madaxweynaha ayaa furaya Kalfadhi kasta oo ay yeelanayaan Golayaasha Baarlamaanka dalka.

Kulankan waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, dhammaan xubnaha Baarlamaanka iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, sidoo kale kulanka waxaa la filayaa in uu ka qeyb galo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah xildhibaan sharafeed, kaddib markii bishii hore dhammaadkeeda uu dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu halkaasi ka jeediyo khudbad ballaaran oo uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo mudada ay jirto dowladda uu Madaxweynaha ka yahay waxyaabaha u qabsoomay.

Baarlamaanka Golaha Shacabka oo fasax galay 10-kii bishii July ayaa kalfadhiggoodan Afaraad waxaa hor yaaala ajandayaal iyo sharciyo kala duwan oo muhiim u ah dalka, kuwaasi oo u baahan in la meel mariyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/10/2018 2:01 PM EST
Isniin, September, 10, 2018 (HOL)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho faraha ka baxay.

9/10/2018 9:29 AM EST
Isniin, September, 10, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa iyo askartii ku shahiiday falkii argagixisanimo ee saaka ka dhacay Xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

9/10/2018 9:07 AM EST
Isniin, September, 10, 2018 (HOL)-War deg deg ah oo ka soo baxay guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka amniga, siyaasada iyo waliba sababihii keenay in ay ka baaqdaan ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka.

9/10/2018 8:48 AM EST
Isniin, September, 10, 2018 (HOL)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa soo dhoweeyay booqashada maalmo ka hor ay dalka Jabuuti ku tageen Wasiirada arrimaha dibedda ee Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna ugu yeeray “tallaabo kale oo muhiim ah” oo ku saabsan dalalka Geeska Afrika.

9/10/2018 6:38 AM EST
Isniin, September,10, 2018 (HOL)– Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax siweyn looga wada maqlay barqanimadii maanta oo Isniin ah guud ahaanba magaalada Muqdisho, kaa oo lagu weeraray xarunta degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

9/10/2018 4:51 AM EST
Isniin, September,10, 2018 (HOL)– Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay ka qeybgalka munaasabada furitaanka Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka oo xiligan-ka socta xarunta Jen Kaajiye ee magaalada Muqdisho.

9/10/2018 4:07 AM EST
Isniin, September,10, 2018 (HOL)– Gabi ahaan-ba waxaa bur buray xaruntii degmada Hodan kaddib weerar ismiidaamin oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo barkhanimadii maanta lagu qaaday xarunta degmada.

9/10/2018 3:19 AM EST
Isniin, September,10, 2018 (HOL)–Qarax oo ahaa mid xoogan ayaa goor gilgilay gabi ahaanba caasimada magaalada Muqdisho oo siweyn looga maqlay, waxaana warar goor dhaw soo baxay sheegayaan in weerar ismiidaamin ah lagu qaaday xarunta degmada Hodan.

9/10/2018 3:12 AM EST
Isniin, September,10, 2018 (HOL)– Booliiska gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen qof lala xiriirinayo in uu ka tirsan yahay Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

9/10/2018 2:38 AM EST
Isniin, September,10, 2018 (HOL)–Maalmo yar ka hor, dowladaha Jabbuuti iyo Erateriya waxa ay ku heshiiyeen in ay xiriirkooda dib u hagaajiyaan, isla-markaasna bog cusub u furaan danaha labada waddan oo uu horay qalqal siyaasadeed soo kala dhexgalay.

9/10/2018 1:25 AM EST
Isniin, September, 10, 2018 (HOL)– Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in tiro dad ah ay ku dhinteen dagaal xooggan oo ka dhacay agagaarka magaalada dekadda leh ee ay Xuutiyiinta haystaan ee Hodeida.