9/25/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2018
Hargeysa:Muran soo kala dhexgallay labada gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda Somaliland


 

Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Xeerka Kufsiga ee golaha Wakiiladdu u gudbiyey madaxtooyada ayaa muran ka dhashay ka dib markii Guurtiddu ku dooday in xeerkaasi ahayd in uu iyaga soo maro si ay ugu gudbiyaan madaxweynaha.

Xildhibaanada golaha Guurtida ayaa dood maanta ka yeeshay xeerkaasi ay markii hore wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyeen oo ay dib ugu celiyeen Golaha Wakiilada, haseyeeshee halkii ay wax ka bedelka iyo kaabista ku sameeyeen aan waxba laga bedelin ay isku dhaafiyeen madaxtooyada iyagoo Guurtidda soo marin.

Xildhibaanada Guurtida ayaa sheegay in guurtidu masuul uga tahay shacabka arrimaha nabadgalyada, dhaqanka iyo diinta, waxaanay tilmaameen in xeer kasta oo golaha Wakiilada ka soo baxay ay iyagu dib usii qiimeeyaan hadii aanu shareecada ama dhaqanka waafaqsanayn dib loogu celiyo Wakiiladda.

Sidoo kale, xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyey in la sameeyo xeer hoosaad ay ku wada shaqeeyaan labada gole si xeerarka la isku celiyo aan dhinac loo gees marin.

“Xeerar badan ayeynu golaha Wakiiladda Dib ugu celinay, waxa ka mid ah xeerkii kufsiga oo uu hadda shirgudoonkeenuna qoraal ka qoray , xeer aan dastoorka waafaqsanayn buu ahaa, diinta islaamkana aan waafaqsanayn, wax ka bedelkeenii iyo kaabisteena waa la diiday, waxaan soo jeedinayaa illaa xeer hoosaad wada yeelano golaha Wakilada aynaan xeer dambe ku celin.”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Indho indho.

Shirgudoonka golaha Guurtidda ayaa qoraal ay xeerkaasi kaga hadlayaan u gudbiyey dhigoodda Wakiilada, iyadoo dhaliilaya in wax ka bedelkii ay ku sameeyeen xeerka kufsiga aan la raacin oo markiiba loo gudbiyey madaxweynaha taas oo la dhaqangaliyey,isla markiina la faafiyey.

Xeerkan kufsiga waxa dabada ka riixayey ururadda haween-ka ee xaquuqda haweenka u doodda, kuwaas oo madaxweynaha iyo golaha Wakiilada ku hambalyeye hirgalinta xeerkaasi oo ay sheegeen inuu wax badan ka qaban doono tacadiga dumarka lagula kaco.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.







Click here
9/1/2018 2:13 PM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay labo dhalinyaro ah oo lagu soo qabtay iyaga oo dhac iyo baarasho u geysanayay dadka rayidka iyo hubkii ay adeegsanayeen intaba.

9/1/2018 8:47 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.

9/1/2018 8:30 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Mudane Max’uud Sayid Aadan, madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland oo mudooyinkii u danbeeyay safar shaqo ugu maqnaa dalka Kenya ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kadib kusoo laabashadiisa Kismaayo waxa uu uga hadlay arimo kala duwan.

9/1/2018 4:39 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter –ka ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya NISA ayaa lagu sheegay in xubinnimadii hay’adda sirdoonka laga saaray Gen Cabdalla Cabdalla oo horay u soo noqday taliye ku-xigeenka, hasse ahaatee xilka looga qaaday wareegto uu soo saaray madaxweyne Farmaajo.

9/1/2018 4:23 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay madaxda shirkadaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee dalka Shiinaha, kuwaas oo daneynaya in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

9/1/2018 2:09 AM EST
Sabti, September,01, 2018 (HOL)–Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta ku –meel-gaar u ah Jubbaland tagaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleed-yada dalka oo halkaa shir uga furmayo.

9/1/2018 1:13 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)–Mareykanka ayaa hakinaya dhammaan dhaqaalihii uu siin jiray hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga Falastiyiniinta.

9/1/2018 1:07 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)–Dowladda Britain ayaa ugu baaqaday in la taageero howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya si loo soo celiyo xasiloonimadii iyo kala danbeyntii Soomaaliya loogu-na guuleysto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

9/1/2018 12:48 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)-Degmada Afgooye oo ay ku soo noqdeen weerarrada qaraxyada loo adeegsado ku kuwa toos ah oo ay soo qaadeen xoogagga Al-shabaab, ayaa saacadihii ugu danbeeyay howlgallo ka sameeyay ciidamada dowladda Soomaaliya.