3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2018
Taliska NISA oo xubinnimadii hay’dda sirdoonka ka saaray Gen Cabdalla Cabdalla

 

Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter –ka ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya NISA ayaa lagu sheegay in xubinnimadii hay’adda sirdoonka laga saaray Gen Cabdalla Cabdalla oo horay u soo noqday taliye  ku-xigeenka, hasse ahaatee xilka looga qaaday wareegto uu soo saaray madaxweyne Farmaajo.

Ka saarista xubinnimadii hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa loo cuskaday kaddib wareysi uu dhawaan siiyay Warbaahinta, isaga oo eedeymo culus u jeediyay hay’adda NISA oo sida uu hadalka u dhigay laga weeciyay ujeeddooyinkii markii hore-ba loo aas-aasay.

Qoraalka ayaa lagu yiri’’ kaddib guddi loo saaray qaladaadkii ku jiray wareysigiisa, waxaa ay isla garteen in uusan u qalmin ka sii mid ahaashaha hay’adda sirdoonka Qaranka.

 

Dhawaan isku –shaaneyn uu madaxweyne Farmaajo ku sameeyay laamaha Amniga ayaa xilkii ku-xigeenka hay’adda nabad-sugida Qaranka waxaa looga qaaday Gen Cabdalla Cabdalla iyo Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, waxaana xilkan loo magacaabay agaasimihii hore ee madaxtooyada Fahad Yaasiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/1/2018 2:13 PM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay labo dhalinyaro ah oo lagu soo qabtay iyaga oo dhac iyo baarasho u geysanayay dadka rayidka iyo hubkii ay adeegsanayeen intaba.

9/1/2018 10:56 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Xeerka Kufsiga ee golaha Wakiiladdu u gudbiyey madaxtooyada ayaa muran ka dhashay ka dib markii Guurtiddu ku dooday in xeerkaasi ahayd in uu iyaga soo maro si ay ugu gudbiyaan madaxweynaha.

9/1/2018 8:47 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.

9/1/2018 8:30 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Mudane Max’uud Sayid Aadan, madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland oo mudooyinkii u danbeeyay safar shaqo ugu maqnaa dalka Kenya ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kadib kusoo laabashadiisa Kismaayo waxa uu uga hadlay arimo kala duwan.

9/1/2018 4:23 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay madaxda shirkadaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee dalka Shiinaha, kuwaas oo daneynaya in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

9/1/2018 2:09 AM EST
Sabti, September,01, 2018 (HOL)–Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta ku –meel-gaar u ah Jubbaland tagaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleed-yada dalka oo halkaa shir uga furmayo.

9/1/2018 1:13 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)–Mareykanka ayaa hakinaya dhammaan dhaqaalihii uu siin jiray hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga Falastiyiniinta.

9/1/2018 1:07 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)–Dowladda Britain ayaa ugu baaqaday in la taageero howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya si loo soo celiyo xasiloonimadii iyo kala danbeyntii Soomaaliya loogu-na guuleysto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

9/1/2018 12:48 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)-Degmada Afgooye oo ay ku soo noqdeen weerarrada qaraxyada loo adeegsado ku kuwa toos ah oo ay soo qaadeen xoogagga Al-shabaab, ayaa saacadihii ugu danbeeyay howlgallo ka sameeyay ciidamada dowladda Soomaaliya.