3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Shirkadaha Ganacsi iyo kuwa Dhaqaalaha ee dalka Shiinaha Sawirro


Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay madaxda shirkadaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee dalka Shiinaha, kuwaas oo daneynaya in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dhamaan dadka daneynaya in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya, taasi oo door weyn ka qaadaneysa in hormar la gaaro, islamarkaana deegaanka la maalgashado, maadaama ganacsiga Soomaaliya uu yahay mid furan.

Dhinaca kale Zhao Leji oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Hanti Wadaagga ee Shiinaha, ahna Xoghayaha Guddiga La dagaallanka Musuqa ee Xisbiga ayaa casho sharaf soo dhaweyn ah ugu sameeyay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa Guriga Martida ee Diaoyutai State Guest House ee magaalada Bakiin (Beijing), sida uu sheegay Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdinuur Axmed Maxamed

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/1/2018 2:13 PM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay labo dhalinyaro ah oo lagu soo qabtay iyaga oo dhac iyo baarasho u geysanayay dadka rayidka iyo hubkii ay adeegsanayeen intaba.

9/1/2018 10:56 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Xeerka Kufsiga ee golaha Wakiiladdu u gudbiyey madaxtooyada ayaa muran ka dhashay ka dib markii Guurtiddu ku dooday in xeerkaasi ahayd in uu iyaga soo maro si ay ugu gudbiyaan madaxweynaha.

9/1/2018 8:47 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.

9/1/2018 8:30 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Mudane Max’uud Sayid Aadan, madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland oo mudooyinkii u danbeeyay safar shaqo ugu maqnaa dalka Kenya ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kadib kusoo laabashadiisa Kismaayo waxa uu uga hadlay arimo kala duwan.

9/1/2018 4:39 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter –ka ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya NISA ayaa lagu sheegay in xubinnimadii hay’adda sirdoonka laga saaray Gen Cabdalla Cabdalla oo horay u soo noqday taliye ku-xigeenka, hasse ahaatee xilka looga qaaday wareegto uu soo saaray madaxweyne Farmaajo.

9/1/2018 2:09 AM EST
Sabti, September,01, 2018 (HOL)–Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta ku –meel-gaar u ah Jubbaland tagaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleed-yada dalka oo halkaa shir uga furmayo.

9/1/2018 1:13 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)–Mareykanka ayaa hakinaya dhammaan dhaqaalihii uu siin jiray hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga Falastiyiniinta.

9/1/2018 1:07 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)–Dowladda Britain ayaa ugu baaqaday in la taageero howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya si loo soo celiyo xasiloonimadii iyo kala danbeyntii Soomaaliya loogu-na guuleysto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

9/1/2018 12:48 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)-Degmada Afgooye oo ay ku soo noqdeen weerarrada qaraxyada loo adeegsado ku kuwa toos ah oo ay soo qaadeen xoogagga Al-shabaab, ayaa saacadihii ugu danbeeyay howlgallo ka sameeyay ciidamada dowladda Soomaaliya.