Sabti, September,
01, 2018 (HOL)– Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta ku –meel-gaar
u ah Jubbaland tagaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleed-yada dalka oo
halkaa shir uga furmayo.
Madaxweynayaasha,
Puntland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa la filayaa in ay gaaraan
saacadaha nagu soo foolka leh magaalada Kismaayo iyaga oo ka qeybgalay shir uu
ku marti-qaaday madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]
Waa kulankii labaad
oo Kismaayo ay ku yeeshaan madaxda dowlad gobolleedyada oo saddex jeer kulmay,
waxaana shirkan intiisa badan diirada lagu saari doonaa khilaafka maamulada
qaar kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, iyadoo la ogyahay in sanadkan 2019 ka
dhici doonaan doorashooyin madaxweyne ilaa saddex maamul gobolleed sida
Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxaana jira tuhun madaxweynayaasha
maamuladan ay ka qabaan dowladda oo laga yaabo in ay fara-galiso
doorashooyinkaa.
Sidoo kale madaaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wajahaya cadaadis uga imanaya dhinaca xildhibaannada maamulkiisa oo diyaarinaya mooshin isaga ka dhan ah oo la doonayo in xilka looga tuuro.
Jubbaland iyo dowladda dhexe federaalka ayaa waayadii ugu danbeeyay waxaa ka dhax jira khilaaf sii xoogeystay,
kaa oo ka dhashay magacaabis is daba joog ah oo dowladda federaalku ku soo
saartay taliyayaal ciidan, laakiin Jubbaland dhinaceeda ka biyo diiday.
Shirka ayaa la
filayaa ugu danbeyntii in madaxda ku mideysan golaha isbaheysiga dowlad
gobolleed-yada ka soo saaraan war-murtiyeed isha lagu hayo qodobada diirada
lagu saari doono.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]