3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2018
Mareykanka oo dhaqaalaha ka jaranaya hay'ad taageerta Falastiin-niyiinta

 

Sabti, September, 01, 2018 (HOL)–Mareykanka ayaa hakinaya dhammaan dhaqaalihii uu siin jiray hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga Falastiin-niyiinta.

Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu gebi ahaanaba hakinayo lacagta uu ugu deeqo hay'addaasi Qaramada Midoobey ee qaxootiga Falastiyiniinta ee UNRWA.

Heather Nauert oo ah afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in maamulka madaxweyne Trump uu qiimeyn ku sameeyay hay'addani isla markaana uu go'aansaday in lacag dheeraad ah aan loogu yaboohin mar dambe.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayaa Mareykanka waxa uu shaaciyay in uu xayirayo in kabadan kala bar dhaqaalaha uu siin jiray hay'addaasi.

Hay'adda UNRWA ayaa hadda taageerta in kabadan shan milyan oo qof oo ku nool guud ahaan gobolka bariga dhexe, waxa ayna gacan ka geysataa caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Mareykanka ayaa boqolkiiba soddon bixiya kharashka hay'addani ay ku hawlgasho, waxaana sanadkii 2016 uu siiyay kharash gaaraya 368 milyan oo doolar.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Heiko Maas ayaa sheegay in dalkiisu uu kordhin doono lacagaha deeqda ahi ee uu siiyo hay'addani maadaama ay dhaqaale xumo soo wajaheyso.

BBC 













Click here
9/1/2018 2:13 PM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay labo dhalinyaro ah oo lagu soo qabtay iyaga oo dhac iyo baarasho u geysanayay dadka rayidka iyo hubkii ay adeegsanayeen intaba.

9/1/2018 10:56 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Xeerka Kufsiga ee golaha Wakiiladdu u gudbiyey madaxtooyada ayaa muran ka dhashay ka dib markii Guurtiddu ku dooday in xeerkaasi ahayd in uu iyaga soo maro si ay ugu gudbiyaan madaxweynaha.

9/1/2018 8:47 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.

9/1/2018 8:30 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Mudane Max’uud Sayid Aadan, madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland oo mudooyinkii u danbeeyay safar shaqo ugu maqnaa dalka Kenya ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kadib kusoo laabashadiisa Kismaayo waxa uu uga hadlay arimo kala duwan.

9/1/2018 4:39 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter –ka ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya NISA ayaa lagu sheegay in xubinnimadii hay’adda sirdoonka laga saaray Gen Cabdalla Cabdalla oo horay u soo noqday taliye ku-xigeenka, hasse ahaatee xilka looga qaaday wareegto uu soo saaray madaxweyne Farmaajo.

9/1/2018 4:23 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay madaxda shirkadaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee dalka Shiinaha, kuwaas oo daneynaya in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

9/1/2018 2:09 AM EST
Sabti, September,01, 2018 (HOL)–Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta ku –meel-gaar u ah Jubbaland tagaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleed-yada dalka oo halkaa shir uga furmayo.

9/1/2018 1:07 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)–Dowladda Britain ayaa ugu baaqaday in la taageero howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya si loo soo celiyo xasiloonimadii iyo kala danbeyntii Soomaaliya loogu-na guuleysto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

9/1/2018 12:48 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)-Degmada Afgooye oo ay ku soo noqdeen weerarrada qaraxyada loo adeegsado ku kuwa toos ah oo ay soo qaadeen xoogagga Al-shabaab, ayaa saacadihii ugu danbeeyay howlgallo ka sameeyay ciidamada dowladda Soomaaliya.