4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2018
Ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada degmada Afgooye

 

Sabti, September, 01, 2018 (HOL) - Degmada Afgooye oo ay ku soo noqdeen weerarrada qaraxyada loo adeegsado ku kuwa toos ah oo ay soo qaadeen xoogagga Al-shabaab, ayaa saacadihii ugu danbeeyay howlgallo ka sameeyay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Howlgal-kan oo ahaa mid saf ballaaran ah ayaa la sheegay in ciidamada ku baadi-goobayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in wali ay ku dhuumaaleysanayaan qeybo ka mid ah xaafaddaha degmada oo habeen hore ay gudaha u galleen.

Dadka ku sugan degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada meelaha qaarkoo guryaha ay baaritaanno ku hayaan, laakiin ilaa iyo hadda lama sheegin cid loo soo xiray weerarradii ugu danbeeyay ee ka dhacay degmada Afgooye.

Habeen hore xooggag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar uga soo qaaday 3 jiho degmada, iyaga oo bartilmaameedsaday saldhig-yada ciidamada dowladda oo weerarkaas looga dilay in ka badan saddex askari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]