4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Al-Shabaab oo toogtay rag ay basaasnimo ku eedeeyeen

Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Kooxda al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku taalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe , waxaa ay ku toogteen shan nin oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay basaasnimo.

Magacyada raggan la toogtay ayaa  lagu kala sheegay Cabdicasiis Cabdi Salaam Sheekh Xasan  oo 22  sanno jir ah,  Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sanno jir ah,Jeyllaani Cabdullaahi Nuur oo 36 sanno jir ahaa,Cawaale Axmed Maxamed 32 sanno jir ah iyo Cabduqaadir Isxaaq Amiin.

Shabaab ayaa dilkan  sabab uga dhigtay in raggan ay basaasiin u ahaayeen hay’adaha sirdoonnada ee waddamada Maraykanka, Ingiriiska iyo Soomaaliya.

Ururka al-Shabaab ayaa hore sidan oo kale xukuno dil ah ugu fuliyay rag ay ku sheegeen inay ahaayeen sirdoon.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]