4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Somaliland oo ka hadashay dagaal ka dhacay deegaanka Tuko raq

 

Talaado, October, 09, 2018 (HOL) –Wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Abees ayaa ka warbixiyey dagaal xalay ku dhexmaray deegaanka Tuko raq ciidanka Somaliland iyo ciidanka Puntand.

Wasiirku waxa uu sheegay in dagaalkaasi hal askari kaga dhintay, waxaanu tilmaamay in ciidankaasi ku soo qaadeen weerar ku dhufo ka dhaqaaq.

“Sagaalkii habeeninimo wakhti roobab da’ayeen ayey weerar ku soo qaadeen ku dhufo ka dhaqaaq ah maleeshiyada maamulka Puntland, waxay siteen hub casri ah oo ay ka mid yihiin qalabka habeenkii dagaalka lagu gallo ee la xidho iyo hub kale oo loogu tallogalay argagixisada in lagula dagaalamo ayey isticmaalayeen, markiina jawaabtii way heleen oo dib baa loogu celiyey halkii ay ka yimaadeen”ayuu yidhi Abees.

Mar uu ka hadlayey khasaaraha dagaalkaasi sababay waxa uu yidhi “Waxa nagaga dhaawacmay hal askari oo markii dambe u geeriyooday wax kale oo khasaare ah oo Somaliland ka soo gaadhay ma jirto, iyagana dhawac iyo dhimashaba waanu gaadhsiinay.”

Wasiirku waxa uu sheegay in dulqaadkii ka dhamaaday,isla markana wixii ay xeerinayeen ee beesha caalamku ka dalbaday ay dhankooda fuliyeen, haseyeesheee aanay mar dambe difaac uun ku jiri doonin ee ay talaabo ka qaadi doonaan ciidamada maamulka Puntland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.