4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Dowladda Jarmalka oo dhaqaale boqol milyan doollar sheegtay inay ugu yaboohayso Soomaaliya

Talaado, October, 09, 2018 (HOL) –  Jarmalka ayaa boqol milyan oo doollar ugu yaboohay Sooomaaliya, sidaasina waxaa sheegtay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya , haweeneyda Annett Günther oo ka hadashay munaasanad lagu xusay midowga labadii Jarmal oo lagu qabtay xarunta Midowga Yurub ee magaalada Muqdisho.

Labada dal ayaa sidoo kale gaaray heshiisyo horumarineed,kuwaa oo kala ah Iskaashiga maaliyadda oo ay ku baxayso qarash dhan 15 milyan oo yuuro iyo Iskaashiga farsamo oo sidoo kale isna ku baxayso € 9.7 milyan, waxaana si wadajir ah heshiiska u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo safiirka Jarmalka ee Soomaaliya.

"Jarmalka waxaa ka go'an taageerrada iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya." Amb. Annett Günther ayaa sida ka sheegtay munaasabadda xuska labada Jarmal ee Muqdisho lagu qabtay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay xuska munaasabadan inay wax weyn uga dhigan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maaddaama Jarmalka uu ka mid yahay saaxiibada Soomaaliya.

Jarmalka ayaa ah isbahaysi istiraatiijiyadeed oo Soomaali ay leedahay, waxa kale oo uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ee taageera horumarinta iyo nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]