4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay ballamo uga baxday Mukhtaar Rooboow

 

Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Dowladdda Soomaaliya ayaa dhawaan ka mamnuucday Mukhtaar Rooboow in uu isku soo taago qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaana jira eedeymo soo baxaya oo loo jeedinayo dowladda oo la sheegay in ay ballamo uga baxday Rooboow.

Wasiirkii hore e e gaadhaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed oo ahaa mas’uulkii bilaabay wada hadallada dowladda iyo Mukhtaar Rooboow waqtigii uu ka soo baxay Al-shabaab, ayaa sheegay in dowladdu ka baxday dhamaanba ballamihii horey loo wada gallay.

Cabdirashiid ayaa sheegay Mukhtaar Rooboow cadeeyay mowqifkiisa ku aadan Al-shabaab mar hore-na isaga baxay, iyadoo dagaaal uu la galay Ururka sida uu hadalka u dhiggay uu ku waayay wiilkiisa.

“Mukhtaar Rooboow mowqifkiisa mar hore ayuuba cadeeayay ee ah in uu isaga baxay Al-shabaab dagaallo lala galay Shabaab wiilkiisa C/laahi ayaa kaga dhintay, marin habaabin ayaan u aragnaa in Muqtaar markale lagu tiriyo Shabaab, dano siyaasadeed ayaa laga leeyahay arrintan”. ayuu yiri wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya oo la hadlay VOA-da.

Dowladda Soomaaliy ayaan wali ka laaban mowqifkeedii hore oo ay uga mamnuucday Mukhtaar Rooboow musharaxnimada doorashada madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dhawaan Baydhabo tagay wafdi uu horkacayay taliyaha hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo kulan la yeeshay Rooboow.

Laakiin haddana dhinaca kale marka la eego waxaa wali Baydhao ka sii soconaaya ololaha doorasho ee Rooboow uu ku doonayo in uu ku caddeeyo wax qabadkiisa haddii xilkan loo doorto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]