Lix boqol iyo todoba arday oo ka qalinjabiyey jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa
Isniin, October, 08, 2018 (HOL) -lix boqol iyo todoba arday ayaa maanta ka
qalinjabiyey jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo munaasibad
balaadhan loogu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibadan Qalinjabinta Dufcada 10aad ee
jaamacada Admas waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland,
Ardayda qalinjabinaysay, waalidiin, maamulka jaamacada Admas, Masuuliyiinta
xisbiyada qaranka iyo Martisharaf kale.
Ardaydan ka Qalinjabisay Jaamacada Admas ee
magaalada Hargeysa ayaa dhamaystay waxbarashada 11 kuulliyadood oo jaamacada
Admas ay bixiso oo isugu jira shahaadada heerka koowaad ee (undergraduate) iyo
shahaadada labaad ee (Postgraduate) oo kala ah Public health, Accounting,
Economics, ICT, Management, Development Studies, Health Sciences (Nursing),
Acitechure Urban Planning, Social Work, Rural Development Human Resource
Management, Project Planning.
Munaasibada Qalinjabinta ee Jaamacada Admas oo ay
hadalo iyo khudbado lagula sii dardaarmayey ardayda dhamaystay waxbarashada
ayaa waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Jaamacada Admas Dr. Molla
Tsegay oo halkaasi ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardaydii ka qalinjabisay
Jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa.
Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan
Cabdilaahi Ismaaciil oo halkaasi khudbad dheer oo dar-daaran, waano iskugu
jirta halkaasi ka jeediyay ayaa waxa uu xusay in xukuumadda Somaliland si
cadaalad ah ay ugu adeegi doonto ardayda kasoo baxaysa Jaamacadaha dalka,
waxaanu xusay madaxweyne ku-xigeenku inaanay jiri doonin qof waji ku shaqo
tagga balse qof walba oo dawladda Somaliland ay shaqaale nimo u qaadanayso uu
ku shaqayn doono waxbarashadiisa iyo aqoonta uu leeyahay, waxaana kamid ahaa
hadaladii Madaxweyneku-xigeenka “Waxaan u hambalyaynayaa ardayda jaamacadda
Admas, aad ayaanan ugu faraxsanahay inaan idinla wadaago farxada, waxaan idiin
rajaynayaa aqoonta aad barateen inay noqoto mid aad dadka iyo dalka ku
anfacdaan, mid waxtar yeelata, annaguna inshalaahu waxaanu ballan qaadaynaa
cadaalad, ma jiri doono qof waji lagu shaqaalaysiiyaa”ayuu yidhi Madaxweyne
ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.
Ugu danbayna waxa uu madaxweyne ku-xigeenku
gudoonsiiyey qaar kamida ardayda maanta qalin-jebisay bilado iyo koobab ay ku
mutaysteen dhibcaha wanaaga ay kaga hormareen ardaydii ay wax soo wada
baranayeen iyadoo ay dadkii xaflada ka qalinjebiyey soo jiidatay kaalinta
koowaad oo ay wada galeen laba hablood oo jaamacada u qaaday koobabkii koowaad
iyadoo hore ay u dhici jirtay in hal qof koobka jaamacada qaado.
Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay ayaa
xusay in wasaaradda waxbarashadu doorkeeda ka qaadan doonto ardayda sanadkani
kasoo baxaysa jaamacaadka kala duwan ee dalka isagoo wasiir ku-xigeenku xusay
in si cadaalad ah ay u qaybiyeen deeqaha waxbarashada dibadeed ee wasaaradda
soo gaadha.
Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ka mid ah
Guddida doorashooyinka Qaranka oo halkaasi ka hadashay ayaa ugu hambalyeysay
Ardayda Jaamacada Admas ka qalinjabiyey iyo waalidiintii Ardaydaasi tacabka
badan ku bixisay sidii ay maanta halkaasi ay joogaan ay usoo gaadhi lahaayeen.
Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID
Mr Abyan ayaa dardaarsiiyey ardayda, waxaanu tilmaamay in Tacliintu ay tahay
maalgashiga ugu qiimaha badan ee qofku uu maalgashado isla markaana ay ka mid
tahay waxyaabaha aan qofka si fudud looga qaadan karin.
Dhinaca kale Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee
xisbiga Waddani Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo isaguna halkaasi ka hadlay
ayaa hambalyo u diray Ardayda ka qalinjabisay jaamacada Admas ee magaalada
Hargeysa, isagoo halkaasi uga soo jeediyey hadalo dardaarin iyo dhiirigalin ah.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.