4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2018
Puntland: Garoowe oo laga mamnuucay shir uusan ogayn maamulka in lagu qabto

Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Guddiga amniga gobolka Nugaal ayaa amar ku bixiyay inan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland lagu qaban karin shir aan haysan fasaxa guddiga amniga.

Guddiga waxaa kalo uu ku wargaliyay hoteelada iyo goobaha kale inay hubiyaan cid walba oo shir jaraa'id qabaneysa inay haystaan ogalanshaha guddiga amniga gobolka.

"Waxaan rabnaa inan idin sheegno shir aan ogolaansho looga haysan guddiga amniga gobolka inan lugu qaban karin Garoowe." ayaa lugu yiri qoraal ka soo baxay guddiga amniga.

Sidoo kale, guddiga ayaa ka dalbaday wasaaradda warfaafinta Puntland iyo hay'adaha warbaahinta inay soo gudbiyaan hay'adaha warbaahinta iyo suxufiyiinta diiwaangashay ee ka shaqeeya gobolka.

Guddiga wuxuu sheegay arrimahan oo dhan inay uga danleeyihiin xaqiijinta amniga,maaddaama gobolka uu isku diyaarinayo doorashada guud ee madaxweynaha horraanta sannadka 2019-ka  iyo ololaha doorashada oo haddaba ka socda Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]