Puntland oo baajisay shir uu Garoowe ku qaban lahaa wasiirka qorsheynta Federaalka
Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Puntland ayaa ka hor istaagtay wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya,Jamaal Maxamed Xasan shir uu galinkii dambe ee Axadda maanta ku qaban lahaa magaalada xarunta ah ee Garoowe.
Shirkan oo la qorsheeyay inuu ka dhaco xarunta jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe, ayaa wasiirka wuxuu kula hadli lahaa ardayda wax ka barata jaamacadaha Puntland ee ku yaalla magaalada Garoowe.
Kulanka la baajiyay, waxaa kalo ka qayb gali lahaa guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo Wasiir kasoo noqday Jubbaland, haddana ah la-taliyaha Ra'iisal wasaare Kheyre.
Wasiirka warfaafinta Puntland,Cabdi Xirsi Cali wuxuu sheegay sababta shirka loo baajiyay inay la xiriirto go'aankii ay Puntland xiriirka ugu jartay dowladda federaalka, sida ay baahiysay BBC-da.
Ma jiro hadal ka soo baxay wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya,Jamaal Maxamed Xasan oo galinkii hore ee maanta ku guulaystay kursiga Baarlamaanka Federaalka ee beeshiisa, kaasoo uu baneeyey xildhibaankii hayey.
Dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa mudooyinkii dambe uu u dhaxeeyay khilaaf,kaas oo ugu dambeyn dhaliyay inay si wadajir ah u jaraan wada-shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe ee federaalka,kaddib shir ay hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ku yeesheen magaalada Kismaayo.