3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 7 , 2018
Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Jarmalka iyo Faransiiska

 

Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka oo baddalaya danjireyaashii hore ee dalalkaas u joogay Soomaaliya.

Danjiraha Dalka Faransiiska Marwo Aline Kuster-Menager ayaa Madaxweynaha u gudbisay farriiin ay uga sidday Madaxweynaha Dalkeeda Mudane Emmanuel Macron, taas oo ku saabsan bogaadinta guulaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay iyo dhiirri gelinta qorsheyaasha horumarineed ee la higsanayo.

Danjire Aline ayaa tilmaamtay in dalkeedu uu kaalin ka qaadanayo dhammaystirka dadaallada cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Annette Gunthe si ay dalkeeda Jarmalka ugu matasho Soomaaliya, isagoona kula dardaarmay in ay sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.

Danjire Gunthe ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan kobcinta xirfadaha iyo barashada farsamada gacanta, taas oo lagu xoojinayo fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso dhismaha ciidanka, kobcinta dhaqaalaha, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiyadda, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor-u-qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, dhammaan qorsheyaashaasna ay gacan ka geystaan Midowga Yurub oo ay hormuud u yihiin dalalka Jarmalka iyo Faransiiska.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/7/2018 3:29 PM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xildhibaannada baarlamaanka dib uga noqdeen mooshin ay dhawaan u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka oo ka dhan ahaa madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

10/7/2018 3:13 PM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa guddoomiye ku-xigeenka bangiga iyo wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya la yeeshay kulan looga hadlayay dardar-gelinta hagaajinta maamulka maaliyadda, ilaalinta hantida dadwaynaha, qorshaha cafinta daymaha dalka lagu leeyahay, kordhinta dakhliga, daahfurtaanta, isla xitaabtanka iyo daabacaadda lacagta cusub ee dalka.

10/7/2018 3:09 PM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Ku-simaha Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Pinji Gardiyola, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada uu Ururka Midowga Yurub siiyo M/mulka G/Banaadir.

10/7/2018 3:03 PM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Kooxda al-Shabaab ayaa markii ugu horreeysay muddo dheer kaddib baahisay in afhayeenkooda Sheekh Cali dheere uu kula hadlay Muqdisho boqollaal ruux oo ururka uu guddoonsiiyay lacago Zako ah, sida ay baahisay warbaahinta ururka taageerta.

10/7/2018 2:31 PM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Dowlad-gobolleedka Puntland ayaa ka hor istaagtay wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya,Jamaal Maxamed Xasan shir uu galinkii dambe ee Axadda maanta ku qaban lahaa magaalada Garoowe.

10/7/2018 2:09 PM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin, oo Muqdisho ku timid socdaakii ugu horreeyay.

10/7/2018 11:35 AM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ka socda dalka Ingiriiska oo ay hoggaaminayso wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, ahna madaxa hay’adda horumarinta caalamiga ah ee DFID. Harriett Baldwin.

10/7/2018 11:28 AM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Kulan magaalada Muqdisho ay maanta ku yeesheen ayaa looga wada hadalay dhac iyo boob baahsan oo rag ku labisan dareyska ciidamada ku hayaan Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya.

10/7/2018 8:17 AM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL)–Safiirka cusub ee Faransiiska ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho,halkaas oo u ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

10/7/2018 8:08 AM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL)–Wasiirka wasaarada shaqogalinta iyo arrimaha qoyska ayaa dalbatay in dib loogu noqdo xukun maxkamadda Hargeysa ka soo baxay oo laba muwaadin loogu xukumay xaquuq ay ku lahaayeen hay’adda Africa releaf oo iyadu diidan inay bixiso.

10/7/2018 7:52 AM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Maamulka gobolka Nugaal ayaa ka dalbaday musharrixiinta ka qaybgalaya doorashada madaxweynaha ee magaalada Garoowe ka dhacaysa bilowga sannadka 2019-ka inay dhimaan gaadiidka iyo ilaalada la socota.

10/7/2018 5:04 AM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Wasiirka Wasaarradda Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya ayaa ku guuleystay doorasho goor dhaw ku soo dhamaatay magaalada Garoowe oo loogu taramayay mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya oo ee laga soo doorto gobolka Sanaag.

10/7/2018 3:07 AM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay waxaa ay digniin u direen dallaadaha waxbarashada dalka oo ay uga digeen wadashaqeyn toos ah oo ay la yeeshaan dowladda federaalka.

10/7/2018 2:40 AM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL)–Magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland waxaa maanta ka dhaceysa doorashada mid ka mid ah kuraata xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu dhawaan iska casilay Daahir Cali Faarax.

10/7/2018 1:58 AM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL) - Senatka Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii ansixiyay Brett Kavanaugh in uu noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Mareykanka, kadib isbuucyo hareeyay noloshiisa eedeymo la xiriira kufsi iyo in uu yahay qof xanaaq badan.

10/7/2018 1:35 AM EST
Axad, October, 07, 2018 (HOL) - Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa galinkii danbe ee shalay gaaray taliyaha hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Xusseen Cismaan Xusseen oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed.