4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2018
Ganacsatada Muqdisho oo ka wada hadlay Dhac iyo Boob lagu hayo Suuqa Bakaaraha


Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Kulan magaalada Muqdisho ay maanta ku yeesheen ayaa looga wada hadalay dhac iyo boob baahsan oo rag ku labisan dareyska ciidamada ku hayaan Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Ganacsatada ayaa sheegay in xaalada suuqa Bakaaraha uu xiligan meel xun marayo, waxa ayna cadeeyeen in Suuqa kusoo bateen burcad hubeesan oo wata dareeska ciidanka, kuwaa oo dhac u geesanaya ganacsatada iyo dadka kale ee Suuqa usoo adeeg doonta.

Waxa ay sheegeen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha in ay kasoo baxeen waajibkooda ayna bixiyaan canshuurta dowlada ka rabto, hasa ahaatee dowladu dhankeeda gabtay in ay ilaaliso amaanka Suuqa iyo nolosha ganacsatada .

Gudoomiyaha Ganacastada Suuqa Bakaaraha Xasan Mirre Dhiif ayaa sheegay in amaanka Suuqa Bakaaraha uu sii xumaaday, waxa uuna sheegay in ganacsatada mar waliba wajahayaan dhac ,boob iyo cabsi galin ay kala kulmayaan kooxo burcada ah.

Waxa uu ugu baaqay Dowlada Soomaaliya in il gaar ah kusoo fiiriso xaalada Suuqa Bakaaraha uu sheegay in ay tahay halka ugu badan ay isugu yimaadaan bulshada Muqdisho, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah xaaladan wax looga qabto.

Inta badan Ganacsatadii ka hadashay shirkan maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay si weyn uga cabanayeen dhibaatada mudooyinkii dambe kusoo korortay Suuqa, waxa ayna ganacsatada sheegeen in Suuqa halis ugu jiro in uu xirmo hadii aan deg deg wax looga qaban burcada hubeesan ee xiran dareeska ciidanka dowlada.

Suuqa Bakaaraha ayaa noqday goob ay usoo shaqo tagaan kooxo burcad ah oo wata dareeska ciidanka kuwaa oo inta badan wata gawaari yar yar iyo mooto bajaaj, waxa ayna dhac u geestaan ganacsatada Suuqa iyo sidoo kale dadka usoo dukaameesiga taga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]