4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Dekedda Muqdisho oo laga mamnuucay in ganacsi ahaan looga soo dajiyo Mooto Bajaajka

 

Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in laga soo dajiyo dekedda Muqdisho gaadiidka Mooto Bajaajka.

Sidoo kale guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo soo saaray wareegto lagu mamnuucayo Mooto Bajaajka ayaa sheegay in sidoo kale aan la aqbali karin in ganacsi ahaan looga soo galiyo jidadka soo gala Muqdisho gaadiidka Mooto Bajaajka.

Sababta mamnuucida gaadiidka oo ay shaqo abuur ka helleen in badan oo ka mid ah dhalinyarrada caasimada ayaa lagu sheegay kaddib markii ay soo bateen cabashooyinka dad weynaha iyo hay’addaha amniga ay ka soo jeedinaayaan wadayaasha Mooto bajaajka.

Gudoomiye Yariisoow ayaa sidoo kale sheegay in mashquul xoogan saxmad ay ku haayan wadooyinka magaalada maadaama ay aad u bateen tirada mootooyinka bajaajta ka howl-gala gobolka Banaadir.

Laakiin dhinaca kale marka la eego dadka ayaa ku qaba faa’iido dhinaca isku socodka ah madaama gaadiidkan yar yare e Bajaajka yihiin kuwo ka degdeg-siimo badan gaadiidka kale ee dadweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]