Sabti, October, 06. 2018 (HOL) - Wararka ka imananaya magaalada Baydhabo ee
xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur uu
halkiisa ka sii wato ololihiisa doorasho ee musharaxnimada xilka madaxweynaha
maamulka Koonfur Galbeed xili Wasaarradda Amniga ka mamnuucday in uu isku soo
taago doorasho.
Munaasabada ka dhacday magaalada
Baydhabo ayaa la sheegay in lagu taageeray musharaxnimada xilka madaxweynaha
maamulka Koonfur Galbeed ee Abuu-Mansuur, waxaana ka qeybgalay munaasabada
xildhibaanno, Aqoonyahanno iyo waliba qeybaha bulshada Baydhabo oo siweyn u
taageeray in Mukhtaar Rooboow isku soo taago doorashada xilka madaxweynaha
Koonfur Galbeed.
Wasaarradda Amniga xukuumadda
Soomaaliya ayaa sheegtay in wali Mukhtaar Rooboow saaran yihiin xayiraado dhowr
ah oo aan u saamixi karin in uu isku soo taago doorasho, waxaana la amray hay’addaha
amniga maamulka Koonfur Galbeed in ay is hotaagaan dhaqdhaqaaqyada musharaxa.
Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaa aas aasayaasha
Al-Shabaab, waxaa uu soo noqday ku-xigeenka hoggaamiyaha sare ee Al-shabaab iyo
Afhayeenka Ururka isagoo wada hadalo la furay dowladda.
Wali si toos ah ugama uusan hadali dhinaciisa go’aanka
ka soo baxay wasaarradda Amniga ee looga mamnuucay in uu u tartamo xilka
madaxweynaha Koonfur Galbeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]