4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Dowladda Qatar oo loo ogolaaday in ay dhoofsato duur joogta Soomaaliya

 

Sabti, October, 06, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay tan iyo wixii ka danbeeyay bur burkii dowladda dhexe ee dalka waxaa ay u ogolaatay dowlad kale oo shisheeye in ay dhoofsan karto duur joogta Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa loo ogolaaday in ay dhoofsan karto Qaar ka mid ah duur joogta Soomaaliya (Sagaarada) sida ku cad qoraal ka soo baxay wasaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa ee Soomaaliya oo uu ku saxiixan yahay agaasimaha Wasaaradda.

Qoraalka ka soo baxay wasaarradda Xanaannada Xoolaha Soomaaliya waxaa ay Safaaradda dalka Qadar u fasaxday in ay dalkooda u dhoofsadaan duurjoog tiradoodu gaarayso 14 nooc oo sagaaro ah.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]