Jicmo, October, 05, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha
cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa warbaahinta kula
hadlay magaalada Baladweyn, ayaa soo saaray amaro ka dhan ah dadka ku nool
deeganada gobolka Hiiraan
Guddoomiyaha ayaa ku amray goobaha waxbarashada
lagu xiro calanka Soomaaliya iyo kan maamulka Hirshabelle, waxaana uu intaa ku
daray in talaabo laga qaadayo maamulka dugsigii aan fulin awaamiirta maamulka.
Sidoo kale, waxaa uu soo saaray amar ah in
ganacsiga laga qaado wadooyinka hareerohooda, si loo helo wadooyin dadka iyo
gawaaridaba ay isticmaali karaan, gawaarida xoolaha ka qaada Baladweyn ayuu
dhinaca kale faray in ay ka shaqeeyaan nadaafada magaalada.
Guddoomiyaha ayaa tan iyo markii xilka loo
magacaabay soo saaray awaamiir kala duwan, isaga oo sidoo kalana xabsiga u
taxaabay saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida oo la sheegay in ay ka biyo
diideen xil ka qaadis lagu sameeyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]