4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2018
Danjire Afey oo la kulmay wasiirka socdaalka dalka Canada

Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) –  Ergayga gaarka ah ee geeska Afrika u qaabilsan  hay'adda qaxootiga QM ee UNHCR ,Ambassador Maxamed Cabdi Afey oo booqasho ku jooga dalka Canada ayaa la kulmay wasiirka socdaalka, jinsiyadaha iyo arrimaha qaxootiga Canada, Axmed Xuseen.

Kulanka ayaa inta uu socday looga hadlay arrimo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa taageerrada ay Canada siiso qaxootiga ku nool xeryaha ku yaalla geeska Afrika.

Danjire Afey , ayaa ka dalbaday xukuumadda Canada inay kordhiso tirada qaxootiga geeska Afrika ee daganaashaha ka hela Canada iyo in kor loo qaado deeqaha waxbarasho ee dowladda Canada ay uga faa'iideyso qaxootiga geeska Afrika oo u badan Soomaali.

"Dhallinyarada ku nool xeryaha qaxootiga haddii ay ku dhacdo waxbarasho la'aan, waxaa fudud inay qaadan waddada qaldan oo ay ku biiraan kooxaha argagixisada, waa muhiim inay helaan waxbarasho." ayuu yiri Ambassador Afey oo la hadlay Hiiraan Online.

Dowladda Canada ayaa u qoondeysay lacag gaareeysa illaa 3 bilyan oo doollar  waxbarashada gabdhaha adduunka. Danjire Afey ayaa wasiirka kala hadlay in ay qayb wanaagsan ka helaan gabdhaha ku jira xeryaha qaxootiga.

Ilaa hal milyan oo qaxooti Soomaali ah ayaa ku nool xeryaha ku yaalla dalalka geeska Afrika iyo waddanka Yemen.

Dhinaca kale, Ambassador Maxamed Cabdi Afey ayaa maanta warbixin siin doona guddiga Baarlamaanka Canada u qaabilsan arrimaha qaxootiga, waxa uu sidoo kale danjiraha maanta la kulmo doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ottawa ee caasimadda dalka Canada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]