4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2018
General Ibraahim Yarow Isaaq : ciidamada xoogga dalka ma ah in ay ku milmaan arrimaha doorashada

 

Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) –Iyadoo 17ka bisha November ee nagu soo foolka leh la filayo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed waxaa soo baxaya digniinno loo jeedinayo ciidamada qalabka sida looga digayo in ay ku milmaan arrimaha siyaasada ama doorashada Koonfur Galbeed oo ay isku hayaan musharixiin dhowr ah.

General Ibraahim Yarow Isaaq oo ah taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa saraakiisha iyo ciidamada ku amray in aysan qeyb ka noqon arrimaha doorashada, sidaasi darteed-na qof walba looga baahan yahay in uu guto waajibka uu leeyahay.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada marnaba wax shaqo ah ku laheyn doorashada iyo arrimaha kale ee la xiriira siyaasadda, balse shaqadooda ay tahay sugidda ammaanka.

“Saraakiisha, saraakiil xigeenka, iyo ciidamada waxaan amrayaa in aysan tagi karin doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, annnaga shaqadeena waxay tahay ammaanka, askargii lagu arka isaga oo ku milmay doorashada talaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa”. ayuu yiri General Ibraahim.

Waxaa soconaya loolan adag oo ka dhaxeeya musharixiin dhowr ah oo u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dhinaca kale soo baxaya eedeymo loo jeedinayo dowladda oo la xiriira fara-galin la sheegay in ay ku heyso arrimaha doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]