4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2018
AMISOM oo beenisay in 30 Askari looga dilay Qarax miino gobolka Hiiraan

 

Talaado, October, 30, 2018 (HOL) – Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Ururka Al-shabaab oo sheegtay in ay qarax ku dileen 30 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

War ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamada oo ka anbabaxay magaalada Beledweyne kuna sii jeeday dhinaca deegaanka Kala-Beyr oo Waqooyi ka xiga magaalada ku dhaawacmeen oo kaliya afar askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

‘’Waa been abuur wararka sheegaya in Al-shabaab Qarax miino ku dileen 30 Askari, waa warar marin habaabin ah oo la doonayo in dadka lagu qaldo’’ ayuu yiri warsxaafadeedka ka soo baxay howlgalka midowga Africa.

Weerarka oo dhacay maalintii shalay waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab oo war ay soo saareen ku sheegay in ay dileen 30 Askari islamarkaana bur buriyeen gadiid ay la socdeen ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]