4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2018
Baaqii madaxweyne Farmaajo oo bannaan soo dhigay Xaaf

Talaado, October, 30, 2018 (HOL) – Madaxa xakuumadda Galmudug,Sheekh Axmed Shakiir ayaa soo dhaweeyay baaqii madaxweynaha dowladda federaalka , Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku aaddanaa ka qaybgalka shir wada-tashi ah, taasina waxay dhibaato ku tahay madaxweynaha dowlad-gobolleedka ,Axmed Ducaale Xaaf.

Hoggaanka maamulka Galmudug ayaa horay labo ugu kala qaybsamay, madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay waheliyaan qaar ka mid ah xildhibaannada maamulka ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa degmada Cadaado,iyagoo halka ku doortay madaxweyne cusub.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku shaqeeya magaalada caasimadda u ah maamulka ee Dhuusamareeb,balse taageerrada madaxa xakuumadda oo isna ku sugan Dhuusamareeb ee baaqa madaxweyne Farmaajo ayaa kor u qaadaya cadaadiska uu la kulmayo madaxweynaha Galmudug.

Xaaf ayaa ka mid ah afar hoggaamiye gobolleed oo xiriirka u jaray dowladda federaalka, waxaana shirkii ugu dambeeyay ee madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada ee toddobaadkii hore lagu soo gabagabeeyay Garoowe laga soo saaray qodobbo kale oo ka dhan ah dowladda federaalka.

War qoraal ah oo u baahiyay madaxa xukuumadda maamulka Galmudug, ayaa sidoo kale looga soo horjeestay dhammaan qodobbadii ka soo baxay shir maamul gobolleedyada ee Garoowe lagu soo gabagabeeyay.

Qodobbada ugu waa weyn ee shirka ayaa waxaa ka mid ahaa,in la dhiso ciidamo u gaar ah maamul-gobolleedyada, xisbi siyaasadeed cusub oo maamul-gobolleedyada ay ku mideeysanyihiin iyo in magaalada Dhuusamareeb lagu qabto shir -weyne iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xaaf, oo shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa halka ka sheegay inay isku diyaarinayaan shirka ,waxa uu faray hay'adaha ammaanka inay sugaan ammaanka, marka uu hadalka sheegayay waxaa garab-taagnaa madaxa xakuumadda, Sheekh Shakiir kaas oo laga dheehanayay qanacsannaan,balse war-saxaafeedka uu soo saaray ayuu ku caddeeyay mowqifkiisa shirka Garoowe.

" Arrintan kama marnaan karto dowladda federaalka ,waana wax la filan karey in dowladda federaalka ay dadaal badan ku bixinayso sidii bannaanka loo dhigi lahaa Xaaf, haddana taas ayaa soo baxday." ayuu yiri Cismaan Cali oo ka mid ah siyaasiyiinta Galmudug ee arrimaha gobolka ka faalooda.

Khilaafka Galmudug ayaa hadda waxaa waji cusub u yeelaya war saxaafadeedka ka soo baxay madaxa xukuumadda Galmudug.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]