4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2018
Kalkaaliye caafimaad oo ku eedeysan in uu dilay 100 bukaan ah

 

Talaado, October, 30, 2018 (HOL) -Nin kalkaaliye caafimaad horay uga ahaan jirtay dalka Jarmalka oo lagu eedeeyay in uu dilay 100 ruux oo bukaan ah ayaa hortagi doona maxkamad ku taallamagaalada Oldenburg ee dhanka waqooyiga ku taalla.

Baareyaasha ayaa sheegay in Niels Hoegel oo 41 jir ah uu dawooyin ka badan qiyaastii dadka loo qoray uu siin jiray bukaannada oo ku jiray isbitaallada Jarmalka.

Waxay sheegeen in ujeedadiisu ay ahayd in uu ka cajibiyo shaqaalihii ay isla shaqaynayeen uuna iska dhigo in uu badbaadinayo bukaannada uu laayay.

Hoegel ayaa haddaba xabsi ugu jira in uu dilay bukaanno ay ahayd in uu baxnaaniyo.

Dacwadan u dambaysay ayaa la filayaa in ay socoto ilaa bisha May, waxayna daba socotaa maydad la soo qufay oo laga helay in ay ku sumoobeen dawooyin laga tan badiyay.

Hoegel ayaa hadda la sheegay in uu dilay 36 bukaan ah oo ku sugnaa Oldenburg iyo 64 kale oo ku sugnaa Delmenhorst oo aan ka fogayn, arrintaasina ay dhacday intii u dhaxaysay 1999 ilaa 2005.

Wariyaha BBC Jenny Hill ku sugan Berlin ayaa shegaysa in arrintan ay xasaasi ka dhex tahay masuuliyiinta caafimaadka ee Jarmalka, kuwaas oo qaraabada dadka dhintay ay ku eedaynayaan in ay indhaha ka daboosheen dilalka uu gaysanayay Hoegel.

Haddii lagu helo in dadkaas oo dhan uu laayay, wuxuu noqon doonaa ninkii dilkii ugu badnaa ka gaysta jarmalka dagaalladii ka dib.

Baareyaashu waxay sheegayaan in ay macquul tahay in uu dilay dad intaas ka badan, balse dadka ay u badan tahay in ay arrintaas u dhinteen ayaa diiradda la saarayaa.

"Waxaan rajaynayaa in dambi kaste lagu helo, si dadkii ay eheladoodu dhinteen hawshu uga soo afjaranto,” ayuu yiri Petra Klein oo isku duba rida koox caawisa dhibaneyaasha.

Qaraabada dadkii la sheegay in la laayay ayaa la filayaa in ay yimaadaan maxkamadda.

Hoegel ayaa markii u horraysay la qabtay 2005 isaga oo bukaan ku duray irbad aan dakhtar qorin. Sannadkii 2008 ayaana lagu xukumay toddobo sano oo uu ku mutaystay isku day dil.

Maxkamad labaad oo la saaray 2014-2015 ayaa ku heshay in uu labo ruux dilay labo kalana isku dayay in uu dilo, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.

Wuxuu sheegay “in run ahaantii uu ka xun yahay” uuna rajaynayo in qoysaska uu qalbigu u qaboobo. Wuxuu sheegay in go’aanka uu dambiyadaas ku galay ay ahaayeen “kuwo aan sii qorshaysnayn”. Intii maxkamadayntu socotay ayuuna qirtay in uu soddon bukaan dilay.

Baareyaasha ayaa markaas ballaariyay baaritaannadooda waxayna soo qufeen maydadka 130 bukaan oo uu horay u daaweeyay, iyaga oo eegaya in uu adeegsaday dawooyin keeni kara in wadnuhu istaago. Waxay sidoo kale baaritaan dib ugu sameeyeen diiwaannadii isbitaalka.

Xigasho BBC