4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2018
Xisbiyada mucaaradka oo sheegay in qodobo ay usoo jeediyeen xukuumada iyo xisbiga kulmiye diideen

 

Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)- Labada xisbi mucaarad ee WADAN iyo UCID ayaa sheegay in kulamo ay la yeesheen xisbiga kulmiye iyo madaxweynahaba uu ku dhamaatay natiijo la’aan ka dib markiii qodobo ay usoo jeediyeen xisbiyada mucaaradku ay diideen ama aqbali waayeen.

Labada xisbi oo shir albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay xarunta xisbiga UCID ayaa markii shirkaasi u dhamaaday masuuliyiin u hadlay WADANI iyo UCID waxay madaxweynaha ku eedeeyeen in aanu wax tanaasul ah ka samayn arrimihii ay ka wada hadleen ee khuseeyey doorashooyinka soo socday.

Xisbiyada mucaaradka ayaa tilmaamay in xisbiga WADANI mawqifkiisu ahayd in la bedelo guddida doorashooyinka, halka xisbiga UCID-na mawqifkoodu ahaa in laba xubnood oo mucaaradku leeyihiin lagu daro guddida doorashooyinka oo laga dhigo sagaal xubnood, halka uu Imika ka yahay toddoba xubnood.

“Xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada waxa u socday wada hadal lagaga arrinsanayey doorashooyinka soo socda, waxaanay WADDANI soo jeediyeen in komishanka doorashooyinka la kala diro, anaguna waxaanu soo jeedinay laba xubnood oo xisbiyada mucaaradku leeyihiin ha lagu daro labadii soojeedinba xukuumaddu way diiday, doorasho aan loo dhamayn dhici mayso”ayuu yidhi musharax ku xigeenkii xisbiga UCID Axmed Cabdi Muuse Abyan.

Sidoo kale, xisbiga mucaaradka ee WADANI oo uu u hadlay Axmed Xuseen Caydiid ayaa sheegay in qodobo badan oo ay usoo jeediyeen xukuumadda aanay waxba ka soo qaadan, waxaanay ku doodeen in la bedelo guddida doorashooyinka maadaama oo qaabkii doorashaddu u dhacday aanay ku ku qancin.

“Labaddii qorshe ee ay soo jeediyeen labada xisbi mucaarad midna muu ogolaan xisbiga kulmiye, qorshe kale oo la mid ahna may keenin, waxaanu soo jeedinay in guddida doorashooyinka la kala diro iyo in xubno lagu kordhiyo xisbiyadda, midna muu qaadan wax ay kaga jawaabeen ma jirto,”ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.

Doorashada golaha deegaanka iyo Wakiilada ayaa lagu waday inay dhacdo March,2019-ka haseyeeshee muranka ka jira xisbiyada darteed waxa suurogal ah inay dib u dhacdo, isla markaana aan wali lagu heshiin qaabka doorashooyinkaasu u dhacayaan oo ay cabasho ka qabaan xisbiyada mucaaradku.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.