Sabti, October, 27, 2018 (HOL) – Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka
OIC ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17-ka October 2018-ka ka qabsoomay
magaalada Muqdisho,waxaana shir guddoominayay Wasiirka arrimaha dibadda
Dowladda Qadar Mr. Sultan Al-Muraikhi.
Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan oo furay shirka ayaa
soo dhoweeyay shirkan taariikhi ah.
Waxaana saacadaha uu shirka socday diiradda lagu saaray horumaradii ugu
danbeeyay ay gaartay Soomaaliya,sida nabad galyada,hanaanka dhismaha Dowlad
Goboleedyada,dadaalada xasilinta iyo hanaanka dimuqraadiyeynta dalka,waxaana
shirka laga soo saaray warmurtiyadeed ka kooban 20-Qodob.
1- Shirka waxaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka midnimada,
xasilloonida,sharafta dhulka iyo daacadnimada dhammaan hoggaamiyeyaasha
Soomaaliyeed, iyo sidoo kale in la kordhiyo ballanqaadyada siyasaadeed ay
sameynayaan Beesha caalamka.
2. Shirku wuxuu hoosta ka xariiqay ku qanacsanaanta heshiisyada siyaasadeed
ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Dawladaha xubinta ka ah
Dawladda Federaalka (FMS) ee ku saabsan qaabka doorashooyinka 2020 iyo
wadaagida khayraadka,taasi oo lagu gaaray Baydhabo bishii Juun 2018.
Heshiisyadani waxay si wax ku ool ah uga qayb qaadan doonaan isku-xirka
qaab-dhismeedka Federaalka ee dawladda iyo abuurista qaab siyaasadeed oo joogto
ah oo dalka loogu talagalay.
3- Shirku waxaa lagu ammaanay horumarka laga gaaray dib-u-heshiisiinta
Soomaalida, xasilloonida, amniga, kobaca dhaqaalaha iyo barwaaqada, iyo
matalaad siman oo loogu talagalay haweenka, raga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed,
tan iyo doorashadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed.
4 – Waxa kale oo ay garwaaqsadeen dadaalka la taaban karo ee Dowladda
Federaalka Soomaaliya, Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, Gobolka
Banaadir (BRA), Baarlamaanka, hay’adaha diinta, xarumaha sida gaarka ah loo
leeyahay iyo muwaadiniin badan oo Soomaali ah iyo sidoo kale bulshada rayidka
ah.
5. Shirku wuxuu ka codsaday beesha caalamka in ay dedejiyaan bixinta
taageerada maaliyadeed iyo mida lojistikada ee loo fidiyo Ciidamada amniga
Soomaaliya,sidoo kale waxay dhinacyada shirka isku raaceen muhiimada tababarka
ciidamada qaranka ee Soomaaliya si loo xoojiyo xaaladda ammaan ee dalka.
6- Shirku si adag ayuu u cambaareeyay falalka xag-jirnimada iyo dhammaan
falalka argagixiso ay geystaan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ee ku aadan sii
wadida inay weerarto dadka aan waxba galabsan, AMISOM iyo ciidamada amniga.
Waxayna adkeeyeen Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC dadaalada ay
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku doonayaan iney kaga
hortagaan rabshadaha kooxaha argagaxisada kuna soo celiyaan nabada iyo waliba
dib u heshiisiinta.
7- Shirku wuxuu soo dhaweeyay aragtida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku
qadarisay kagana mahad celisay Dowladaha ka qayb qaatay gurmadka iyo daaweynta
dadkii ku dhaawacmay Qaraxii 14 October ee sanadkii 2017dii ka dhacay
Muqdisho,waxay Dowladda Federaalka sheegtay iney ku qanacsan tahay taageeradii
ay u fidiyeen dalalka Djibouti, Egypt, Qatar, Boqortooyada Sacuudiga, Sudan,
Turkey iyo Imaaraadka Carabta (UAE).
8- Shirku wuxuu soo dhaweeyay natiijada ka soo baxday shirkii Iskaashiga
Soomaaliya Brussels 16-17 July 2018 sidii loo sii wadi lahaa horumarka laga
gaaray tan iyo shirarkii London iyo Muqdisho ee lagu qabtay May iyo December
2017, kaas oo OIC ay ka qaybgaleen.
Waxa ay ku baaqday in ay sii wadaan iskaashi caalami ah oo lala yeesho
mas’uuliyiinta Soomaalida si loo ogaado ujeedooyinka Iskaashiga Cusub ee
Soomaaliya.
9. Kulanku wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay horumaradii ugu danbeeyay ee
Geeska Afrika.
10- Shirku waxa kale oo uu xusay mahad celin loo jeediyay shirka arrimaha
Bani’aadamnimada oo ay si wadajir ah u soo abaabuleen OIC iyo
la-hawlgalayaasheeda 11-kii Abriil 2017 ee lagu qabtay Muqdisho si loo xoojiyo
wada-hawlgalayaasha daneeya arrimaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan Hay’adaha
maxaliga NGO-yada ah iyo kuwa caalamiga sida UN, FGS iyo deeq-bixiyeyaasha si
kor loogu qaado wacyiga xaaladda abaarta iyo in ay wax ka qabato saameynta ay
ku leedahay dadka ugu nugul.
Dadaalka beesha caalamka iyo qurba-joogta Somalida ayaa ka caawiyay in ay ka
hortagaan macluusha sannadka 2017.
11- Shirku waxa uu soo dhaweeyay dadaalka waqtigii ku habboon lagu helay ee
uu bixiyay Turkiga, oo ah Guddoomiyaha Shirweynaha OIC, si uu u abaabulo
Mashruucyada OIC una qiimeeyo xaaladda bani’aadamnimada ee ka jirta waddamada
ay abaartu saameysey oo ay ka mid tahay Soomaaliya, si loo helo xogta hore ee
ku saabsan xaaladda bini’aadanimo si looga gudbo saameynta xun ee abaarta socota
dhowrka sanadood iyadoo loo eegayo saadaasha cimilada.
12- Shirku wuxuu ka codsaday Dawladaha xubinta ka ah OIC iyo hay’adaha
maaliyadeed inay sii kordhiyaan caawinaadooda ay ka mid yihiin gargaarka
bani’aadamnimada ee FGS iyo gobollada nugul, si loo dhiso Qaab-dhismeed
Dib-u-habeyn iyo Dib-u-soo-kabasho (RRF), oo waafaqsan “Iskaashiga Cusub ee
Soomaaliya”.
13- Shirku wuxuu dib u eegay guud ahaan hawlaha OIC ee Soomaaliya soona
dhaweeyay isbeddelka xafiiska OIC ee Kaalmaynta si uu gacan uga geysto horumarinta
siyaasada iyo dhaqan dhaqaale Soomaaliya.
14. Shirku wuxuu u hambalyeeyay Dawladaha Xubnaha ka ah ee dib u furay
xarumahooda diblomaasiyadeed ee Muqdisho iyaga oo raacaya natiijooyinki ka soo
baxay shirarkii heer wasaaradeed ee Kooxda oo qabtay intii lagu jiray fadhigii
72aad ee UNGA ee magaalada New York,kaasi oo diirada lagu saaray in Dowladaha
xubnaha ka ah Ururka OIC Dib u furaan xafiisyadooda dibloomaasiyadeed ee
Muqdisho.
15- Sidoo kale, Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka OIC,Hay’adaha Maaliyadeed,NGO-yada
Islaamka ayaa loogu baaqay iney sii wadaan taageeradooda Soomaaliya si loo
joogteeyo gargaarka bini-adanimo loona yareeyo dhibaatada Barakacayaasha iyo
Qaxootiga Soomaaliya.
16. Kulanka ayaa lagu baaqay taageero dhaqaale oo toos ah loo siinayo Dawladda
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo hay’adaheeda,waxaana lagu
ammaanay dhaqaalaha miisaaniyada Dowladda lagu kabayo ee ay bixiyeen dalalka
Sucuudiga iyo Turkiga iyo taageerada dhaqaale ee Masar oo ay ku dabooleyso
adeegyada asaasiga ah ee Shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin,si taa la mid
ah OIC ayaa ku ammaantay Dowladda Qadar taageerada ay siiso Soomaaliya,waxayna
wadamada kale ugu baaqeen iney sii wadaan kaalmeynta Soomaaliya.
17- Kulanku wuxuu soo dhaweeyay horumarka ay ka gaartay Dowladda Soomaaliya
fulinta barnaamijka saddexaad ee IMF. Shirku wuxuu ku booriyay dalalka xubnaha
ka ah OIC in ay taageeraan Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto in
lacagaha deynta laga cafiyo si loo yareeyo culeyska heysta shacabka Somaaliyeed.
18.- Shirku waxa uu soo dhaweeyay hindisaha Dawlada Kuwait ee martigelinta
Shirka deeqbixiyeyaasha kor loogu qaadayo Waxbarashada Soomaaliya, wuxuuna ugu
baaqay Xoghaynta Guud in ay sii wadaan dadaalkooda ah in ay qabtaan Shirweynaha
Ammaanka iyo Nabadgelyada Siyaasadeed iyo Xagjirnimada bisha December.
19- Shirku wuxuu qadarin u muujiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xasan
Cali Khayre, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Ahmed Isse Cawad taageerada
iyo ka qaybqaadashadooda intaba.
Waxay sidoo kale, Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ku ammaaneen
shacabka Soomaaliyeed, Madaxweynaha iyo xukuumadda dadaalkooda ku aaddan in si
guul ah u furmo una soo gaba-gaboobo shirkan iyo marti-gelinta diirran ee loo
fidiyay wufuudaha dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka iyo
Xoghaynta Guud.
20- Ugu danbeyntii,Kulanka waxaa lagu go’aamiyay in kullanka xiga uu dhaco
2019.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]