4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2018
Diyaarad ay soo dirtay dowladda federaalka oo dhaawacyo ka qaaday Garoowe iyo Gaalkacyo

 

Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Diyaarad nooca Fokker -50 oo 22 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaal beeleedkii toddobaadkan ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ka qaaday Garoowe iyo Gaalkacy ayaa goor dhow gaartay magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ay diyaarada gaartay Muqdisho waxay sheegtay inay u dirtay si ay u soo qaado dadka qaba dhaawacyada culus.

Diyaarada marka ay ku sugneyd Puntland looma ogalaan warbaahinta inay sawirro ka qaadan, sidoo kale wasiirro iyo xildhibaanno dowladda federaalka ah oo diyaarada la socday oo caawa ku hoyanaya magaalada Gaalkacyo markii ay diyaarada qaadi wayday ma jirto wax hadal ah oo ay warbaahinta siiyeen.

Ku dhawaad 50 ruux oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka deegaanka Dhumay ayaa la soo gaarsiiyay isbitaalada magaalada Gaalkacyo iyo Garoowe, kuwaas oo qaarkood dhaawacyo culus qaba ,labo maalin oo dagaal uu ka dhacay deegaanka Dhumay oo 45 km xagga koonfur galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood , waxaa ku dhintay 80 qof , ku dhawaad boqol ruux ayaa sidoo kale ku dhaawacmay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online