4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2018
Madasha maamul-gobolleedyada oo guddoomiye cusub doortay

Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada oo dhisan muddo hal sanno ah ayaa doortay guddoomiye cusub, sida looga dhawaaqay shirka afaraad ee madasha oo goor dhow lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.

Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee madasha wada-tashiga ,isagoo xilka ka badalaya madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo isna si kumeelgaar ah guddoomiye uga noqday xisbi ay ku midoobeen maamul-gobolleedyada.

Sidoo kale, madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Dacuule Xaaf ayaa loo doortay guddoomiye ku-xigeenka madasha wadatashiga maamul-gobolleedyada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]