4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2018
Hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada oo isku khilaafay wada xaajoodka dowladda federaalka

Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) –Wararka laga helayo shirka madasha wada-tashiga ee hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada uga socda magaalada Garoowe ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya hoggaamiyayaasha, kaas oo salka ku haya wada xaajoodka dowladda federaalka.

Ilo ku dhow shirka oo la hadlay Hiiraan Online, ayaa xaqiijiyay in madaxda ay ku kala aragti duwanyihiin sida loo wajahayo dowladda federaalka iyo dadaallada lagu raadinayo xal u helida khilaafka maamul-gobolleedyada iyo dowladda federaalka oo Aqalka sare uu garwadeenka ka yahay.

" Waxaan ku sheegi karaa inay wali socdaan wada-hadallo iyo kulamo gaar gaar ah oo madaxad dhexdooda ah." ayuu yiri sarkaal kulanka ka qaybgalay oo inta ku daray " Madaxada qaar ayaa qaba in la dedejiyo wada-hadallada dowladda federaalka si xal looga gaaro khilaafka oo labada dhinac ay isku soo dhawaadan, waxaan ku sheegi kara madaxweyne Gaas oo guddoomiyaha madasha ah inuu fikirka qabo."

Warar kale oo shirka laga helayo ayaa sheegaya in madasha ay dooran doonto guddoomiye cusub oo badalaya madaxweynaha Puntland oo hoggaamiya madasha,iyadoo isla maanta la filayo in war-murtiyeed laga soo saaro.

Madaxda maamul-gobolleedyada ayaa shir dhowr maalmood uga socday magaalada Kismaayo ka dib, waxay 8 Siteembar ku sheegeen in ay xiriirka u jareen dawladda dhexe ee Federaalka. Maalmo ka dib, 14kii Siteembar, waxay soo saareen shuruudo ay ku xireen wixii wadahadal ah ee ay dawladda la yeelanayaan, kuwaasoo ay ugu weynayd in la helo daraf saddexaad oo qaata door dhexdhexaadin iyo damaanad ah.

"Rajada aan qabno waxay tahay maaddaama xukuumadda federaalka ay ogaalatay in la xoojiyo dadaallada lagu xallinayo khilaafka oo guddiga xukuumadda ka tirsan uu nala shaqeynayo, waxaan qabaa si deg deg ah in xal looga gaarayo khilaafka." ayuu yiri xubnin ka tirsan guddiga xallinta khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ee golaha aqalka sare.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]