4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2018
Shirka madaxda dowlad gobolleedyada oo maanta la soo gabagabeynayo

 

Talaado, October, 23, 2018 (HOL) – Maanta ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo shirka Wadatashiga madaxda dowlad gobolleedyada ee magaalada Garoowe.

Kulanka oo soconaya maalintiisii Saddexaadii ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxda maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaana Madaxda maamuladaas oo khudbado ka jeediyay shirka ay eedeyn kulul ugu soo jeediyeen dowladda Federaalka.

Madaxda maamul goboleedyada afarta ah ayaa khudbadahooda diirada ku saarayay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana ay ku eedeeyeen dowladda Dhexe in ay faragelin ku heyso maamul goboleedyada oo ay dooneyso in awoodda maroorsato

Maanta ayaa lagu wadaa in laga soo saaro War murtiyeed, iyadoo horay shirkii Kismaayo ee bishii hore war murtiyeed ay ka soo saareen xiriirka loogu jaray dowladda Federaalka.

Kulanka magaalada Garoowe waxaa ka maqan oo aan ka qeybgalin madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo siyaasad ahaan u muuqda in ay kala weecdeen madaxda kale ee dowladda gobolleedyada dalka kaddib markii uu ku dhawaaqay bishii September ee sanadkan in uu heshiis la gaaray dowladda dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]