4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2018
Duqa magaalada Boosaaso oo shir uga qaybgalay Muqdisho

Isniin, October, 22, 2018 (HOL) – Duqa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ku sugan magaalada caasimadda ee Muqdisho,halkaas oo u uga qaybgalay shir caalami ah.

Cabdisalaan, ayaa shirka uu uga qaybgalay Muqdisho waxaa looga hadlay arrimaha barakacayaasha,iyadoo magaalada Boosaaso ay marin u tahay muwaadiniinta Soomaalida ah ee dib uga soo laabanaya dalka Yemen iyo dad u dhashay Yemen oo qaarkood deggan magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, magaalada ganacsiga ah waxaa ku yaalla xeryo ay ku noolyihiin dad qaxooti ah oo dalka ku barakacay iyo kuwa ka soo jeeda dalka Itoobiya.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay sida gacan looga siin karo magaalada Boosaaso boqollaalka ruux ee barakacayaasha ah,waxaana duqa Boosaaso uu uga warbixiyay mas'uuliyiinta Qaramada Midoobay iyo wakiilada beesha caalamka ee shirka ka qaybgalay xaaladda dadka dalka gudihiisa ku barakacay.

Balse, duqa magaalada Boosaaso ayaa shir u tagay Muqdisho,lana kulmay duqa caasimadda , xilli Puntland ay mas'uuliyiinteeda ka mamnuucday inay shir u tagaan Muqdisho , go'aanka ayaa soo baxay markii dowlad-gobolleedyada ay xiriirka u jareen dowladda federaalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]