4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2018
Labo qof oo Soomaali ah ayaa ku geeryooday dalka Switzerland

Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Toddobaadkan labo qof oo Soomaali ah ayaa ku geeryooday dalka Switzerland,sida ay xaqiijiyeen jaaliyadda Soomaalida.

Nin dhallinyaro ah oo Soomaali ah ayaa isku dhigay tareen meydka qof kale oo Soomaali ah oo dhaawacyo ka muuqdan ayaa isna laga helay meel wabi ah oo ku taalla magaalada Basel ee waqooyi galbeed dalka Switzerland.

Meydka ninka dhallinyarada ah ee tareen isku dhigay ayaa la aasay,halka ay wali booliska baarayaan qof kale oo isna rag ah oo meydkiisa laga helay meel wabi ah.

Mustaf Xaaji Goobdoon oo ka mid ah shaqsiyaadka u dhaq dhaqaaqa Soomalida dalkaas, kuna sugan magaalada Davos ayaa sheegay ilaa hadda inaysan booliska soo saarin warbixin rasmi ah, balse wuxuu sheegay geerida labada qof inay walaac badan ku abuurtay jaaliyadda Soomaalida ee Switzerland.

"Soomaalida waxa ugu weyn ee dhacdooyinkan ay u sababeynayaan waxay tahay in dhallinyarada ay dhibaato maskaxeed ka soo gaareen safarkii tahriibka ah ee Suudaan iyo Liibiya, iyo dhalliyarada oo qaar ka mid ah inay adeegsadaan balwada." ayuu yiri Mustaf Xaaji oo la hadlay idaacadda VOA-da.

Goobdoon, waxaa kalo u sheegay dhacdooyinkii u dambeeyay inay saameyn toos ah ku yeesheen bulshada Soomaalida ee dalka Switzerland , wuxuu ku baaqay jaaliyadda inay xoojiyaan wacyigalinta dhallinyarada si looga baaqsado dhibaatooyinka ay la kulmaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]