4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2018
Aqoon-isweydaarsi looga hadlaayey Doorka Dhallinyarada

Talaado, October.  02, 2018 (HOL) - Waxaa maanta lagu soo  gabagabeeyey magaalada Muqdisho aqoon-isweydaarsi socday dhowr maalmood, kaas oo looga hadlaayey doorka ay dhallinyaradu ka qaadan karaan sidii magaalada Muqdisho loogu heli lahaa biyo nadiif ah.

Waxaa aqoon-isweydaarsigaas soo qaban qaabiyay ururka Somali Country Water Partnership (SoCWP) oo kaalmeysanaaya ururka Somali Centre for Water and Environment (SCWE), waxaana ka soo qeybgalay dhallinyaro badan oo ka kala socday ururada dhallinyarada ee magaalada Muqdisho, iyo sidoo kale dhallinyaro mataleysay wasaarado, jaamacado iyo hey’ado kala duwan iyo Gobolka Banaadir. 

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Cismaan Libaax Ibraahim ayaa furay aqoon-isweydaarsigaas, wuxuuna kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan aqoon-isweydaarsigaas.

Wasiir-ku-xigeenku wuxuu amaan u jeediye ururada soo qabanqaabiyey howshaas muhiimka ah. Furitaankii aqoon-isweydaarsiga waxaa kale oo ka soo qeybgashay Xildhibaan Farxiyo Muumin oo soo jeedisay hadalo ku aaddan munaasabadda. Waxaa kale oo furitaankii aqoon-isweydaarsiga ka hadlay Dr C/laahi Cilmi Maxamed oo ah a guddoomiyaha ururka SCWE iyo Marwo Asli Ismaaciil Ducaale oo hogaamisa ururka SoCWP.

Kal-qeybgalayaasha iyo dhallinyarada waxay isku dhaafsadeen fikrado iyo aqbaaro kala duwan oo ku saabsan arrimaha biyaha magaalada. Wasiir-Intuu uu socday aqoon-isweydaarsigaas waxay ka-qeybgalayaasha ku qaateen casharo kala duwan waxay ku barteen doorka ay dhallinyaradu ka qaadan karaan helitaanka biyo nadiif ah oo raqiis ah oo mar walba la heli karo. Dhalinyarada iyo ka-qeybgalayaasha oo dhan waxay isku kala qeybiyeen kooxo-shaqo, waxayna ka doodeen sida loo horumarin karo biyaha magaalada. 

Xiritaankii aqoon-isweydaarsiga waxaa ka soo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane C/Waaxid Ibraahim Axmed. Wuxuuna ka warramay qorshooyinka Wasaaradda oo ku aaddan horumarinta kheyraadka biyaha.

Mudane C/Waaxid waxaa uu u mahadceliyey ururadii soo qaban qaabiyey aqoon-isweydaarsiga, wuxuuna ku aaman doorka muhiimka oo ay ka qaateen wacyigelinta dhallinyarada, wuxuuna ku booriyey sidii loo sii wadi lahaa howlaha noocaan oo kale ah.