4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2018
Guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka sare oo war ka soo saaray xaaladda Galmudug


Talaado, October, 02, 2018 (HOL) –  Guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka sare ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta Galmudug in la ilaaliyo midnimada iyo wadatashaqeynta hay'adaha dastuuriga ah, waxaa kalo u guddiga ku baaqay in dib loo soo celiyo wadashaqeyntii hay'adahaas ay lahaayeen ka hor khilaadka haatan jira.

Guddiga ayaa sidoo kale wargeliyay dhinacyada uu khilaafka ka dhaxeeyo ee Galmudug inan marna la aqbali karin dhaq-dhaqaaqyada lugu burburinayo  hoggaanka hay'adaha xukuumadda iyo Baarlamaanka.

"Dhexdhexaadinta golaha aqalka sare waxay ka ambaqaadeysaa midnimada iyo wadajirka hay'adaha dastuuriga ah ee Galmudug... sidaa daraadeed wax saamayn ah ku yeelan mayso xil ka qaadistii hore u dhacday iyo kuwa hadda socdaba." ayaa lugu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay guddiga joogtada ah ee golah Aqalka sare.


Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]