4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2018
Daraasad muujineysa in kalsoonida shacabka ku qabeen madaxda Qaranka hoos u dhacday

 

Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Daraasadan oo ay wada jir u diyaariyeen hay'adaha Ipsos Limited iyo Farsight Africa Research ayaa lagu sheegay in uu jiro hoos u dhac weyn oo ku yimid kalsoonida Shacabka ay ku qabeen madaxada Qaranka marka la bar bar dhiggo sanadkii 2017da.,

Aragtiyo kala duwan oo laga soo ururiyay dadka ku dhaqan gobollada ayaa isku khilaafsan jihada uu ku socdo, Tusaale ahaa shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir oo ku yaal magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasi oo 34% muwaadiniinta ku nool ay rumeysan yihiin in waddanka uu ku socdo jiha khaldan.

Arag-tidooda ayaa ayeey ku saleynayaan dadka fikiradahan la weydiiyay amni darrada, musuq-maasuqa, si xun u isticmaalka dhaqaalaha iyo weliba gaabiska ku yimid kobaca dhaqaalaha dalka.

Dhinaca kale mar la eego heerka kalsoonida ay ku qabeen shacabka madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa hoos u dhacday marka loo eego sanadkii 2017da oo ah waqtigii loo doortay xilka madaxweynaha.

kalsoonidii madaxweynaha ay ku qabeen shacabkiisa, iyadoo sanadkii 2017-kii, heerka kalsoonida madaxweynaha ay mareysay 86%, balse haatan ay tahay 67%, tan oo weli ah tiro aad u sarreysa marka la barbardhigo inta badan madaxda dunida.

Kalsoonida ra’iisal wasaare Kheyre ayaa laftirkiisa la leeyahay siweyn ayeey hoos ugu dhacday 62% halka sanadkii 2017 ay aheyd 83%.

Kalsoonida ay shacabku ku qabaan golaha wasiirada ee ra'iisalwasaare Kheyre ayaa sidoo kale hoos u dhacday marka loo eego sanad ka hor oo ay ahayd 86% halka haatan ay ka tahay 49%.

"Hoggaamiyeyaasha dowladda ayaa si dhakhso ah u luminaya kalsoonida shacabka. Waa muhiim ah in wax laga qabto meelaha aan shaacinnay in dowladdu ku lumisay kalsoonida shacabkeeda, si dadka looga qanciyo waxyaabaha ay tabanayaan," ayuu yiri Anthony Ndirangu oo ah madaxa Cilmi-baarista ee IPSOS /Farsight.

Kalsoonida ay dadweynahu ku qabaan ciidanka booliska iyo kuwa milatariga ayaa si siman hoos ugu dhacday, ilaa iyo ay gaartay heer ay shacabku aaminaan in ay ku guuldareysteen waajibaadkooda ah sugidda amniga dalka.

Dhinaca maamul gobolleedyada :

Shacbiyadda madaxda maamul-goboleedyada ayaa guud ahaan aad ugu hooseeysa gobollada. Laba ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada oo kaliya ayay shacbiyaddooda ka badan tahay 50%, taa oo ka dhigan in afarta kale ay ka hooseeyaan 50%.

  • Madaxweynaha Koondur Galbeed Soomaaliya 55%.
  • Madaxweynaha Jubbaland 52%.
  • Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Galmudug 43%
  • Madaxweynaha Puntland 31%.

Guud ahaan marka la eego cilmi-baaristan waxaa ay siweyn u saameysay hay'addaha dowladda oo dhan, sida fulinta, baarlamaanka, garsoorka, iyo waliba hay'addaha amniga, dhamaantood-na waxaa ay sheegtay daraasadu in uu ka jiro hoos dhac iyo kalsooni darro ay shacabka ka muujinayaan.

Daraasadan ayaa imanaya xili dalka uu ku jiro jahwareer siyaasadeed, gaar ahaan marka la eego khilaafka dowlad dhexe iyo dowlad gobolleedyada iyo waliba doorashooyin xasaasi ah oo ku soo fool leh qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka ka jira, oo madaxweynayaasha hadda tallada haya doonayaa in ay kursiga baaqi ku sii ahaadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]