4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2018
Daacish oo sheegatay mas'uuliyadda Itoobiyaan lagu dilay Boosaaso

Talaado, October, 02, 2018 (HOL) –  Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyada dilkii loo gaystay xalay 4 qof oo Itoobiyaan ah,sida lugu baahiyay bog taageerra kooxda.

Dilkan ayaa habeenkii Isniinta ka dhacay xaafadda ay ku badanyihiin ajanabiga gaar ahaana Itoobiyaanka ee Saantoos oo ku dhow dekedda magaalada Boosaaso.

Kooxda dilka geysatay ayaa markiiba ka baxsatey goobta ay toogashada ka fuliyeen oo ahayd meherad ay ku caweynayeen Afarta qof ee weerarka lugu dilay iyo qof kale oo dhaawacmay.

Laamaha amaanka, maamulka gobolka iyo kan degmadaba waxay sheegeen in la wado baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambaysa dilkaas.

Toddobadyadii u dambeeyay waxaa magaalada Boosaaso ka dhacayay weerarro kala duwan,iyadoo dhinaca kalana ciidamadda amniga ay wadaan howlgallo amniga lugu xaqiijinayo.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]