4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2018
Xildhibaan ku baaqay Wasiirrada inay ka tanaasulaan xubinimada Baarlamaanka

Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise oo ka tirsan golaha aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa sheegay dib u habeyn inay u baahanyihiin golaha,isagoo marka ku baaqay Wasiirrada xildhibaannada ah inay isaga tanaasulaan xubinimada Baarlamaanka.

"Golaha fulinta iyo Golaha shacabka wey kala saarnaan jireen, si wanaagsan baana loo shaqeyn jiray, maanta haddii 70 ku dhawaad wasiirro yihiin oo la damco in la eedeeyo xukuumadda ama soo jeedin laga keeno, 70 xildhibaan baa kuu fadhida." ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Axmed oo inta ku daray in loo baahanyahay xeer xadidaya wasiirka xildhibaanka ah oo u diiddaya marka arrimaha xukuumadda laga hadlayo inuu cod-yeesho.

"Dalkan waxaa loo gacan geliyay Wasiirro ,Xildhibaanno ah oo markey doonaan qalad isku difaacaya." ayuu ku daray hadalkiisa Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise.

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa inta badan ah ka mid ah golaha aqalka hoose ee Baarlamaanka,iyadoo dhowr mar lugu eedeyay xukuumadda inay ku milantay golaha aqalka hoose ,taaso meesha ka saaraysa isla xisaabtan adag oo xukuumadda ay kala kulanto golaha aqalka hoose.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]