4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2018
Cabdiweli Gaas oo magacaabay taliyaha Ciidanka kaydka Puntland
G/Sare Cumar Fara-weyne
G/Sare Cumar Fara-weyne

Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal ,G/Sare Cumar  Cabdullaahi Maxamed (Cumar Fara-weyne ) u magacaabay taliyaha ciidanka kaydka Puntland.

Cabdiweli , ayaa dhawaan xilka ka qaaday Cumar Fara-weyne,waxaana tan iyo maalintii xilka laga qaaday la hadal-hayay in xil looga magacaabi doono hay'adaha ammaanka ee Puntland.

Ciidanka uu hoggaamin doono G/Sare Cumar Fara-weyne ma ahayn kuwa horey uga jiray Puntland, balse markii ugu horreeysay ee la maqlay ciidanka kaydka Puntland waxaa ay ahayd inta uu socday dhaqdhaqaaqa ciidan ee deegaanka Tukaraq.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]