4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2018
Mudug: 4 qof oo shil gaari ku dhintay

Talaado, October, 02, 2018 (HOL) –  Ugu yaraan 4 ruux ayaa geeryooday tiro kalana waa ay dhaawacmeen,kaddib markii Gaari nooca xamuulka qaada ah uu ku rogmaday  deegaanka Gawaan ee koonfurta gobolka Mudug saacadihii hore ee Talaadada maanta, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta deegaanka.

Dadka ku dhaawacmay shilka ayaa la soo gaarsiiyay isbitaalka koonfurta ku yaalla ee magaalada Gaalkacyo,saraakiisha isbitaalka ayaa sheegay illaa 3 qof oo la soo gaarsiiyay inay xaaladooda wanagsantahay oo ay xilligan u socoto daweyn.

Ma jirto warbixin ka soo baxday maamulka gobolka oo looga hadlay shilka,balse gaariga rogmaday ayaa la sheegay inuu ku sii socday  degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Waddada xiriirisa magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada kale ee ku yaalla koonfurta gobolka oo burbursan ayaa inta badan loo sababeeyaa shilalka ka dhaca.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]