3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2018
Ganacsatada Soomaaliyeed oo ka walaacsan mamnuucida isticmaalka gaadiidka laga kaxeeyo Midigta

 

Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheeegtay in guud ahaan-ba dalka ka mamnuuceyso ka ganacsiga iyo adeegsiga gaadiidka laga kaxeeyo dhinaca midigta [right-hand drive] iyadoo marka la eego 80% gaadiidka laga isticmaalo Soomaaliya yihiin kuwo dhinaca midiga laga kaxeeyo.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa HOL u sheegay in dhaqan-galinta qorshahan la bilaabayo ilaa horaanta bishan October, laakiin horay sida uu kale loo mamnuucay isticmaalka gaadiidkan, laakiin mamnuucidaasi ma noqon ayuu yiri mid dhaqangasha.

‘’Arrintan waxa loo sameynayo waxaa ugu horeeya nabad-galyada jidadka, iyo in ay meesha ka baxaan shilalka badan, waana tan keentay in aynu go’aanka qaadanno’’ ayuu yiri wasiirka.

 

Shircigan cusub ayaa u muuqda mid aan saameyn toos ah ku yeelan doonin gaadiidka horay dalka loo keenay ama hadda ka dhax shaqeeya, laakiin waxaa uu sharcigan u muuqdaa in uu ka hortagayo in dalka la keeno gaadiid kale oo ah nooca [ Midiga laga kaxeeyo]

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa siweyn uga walaacsan sharcigan cusub ee lagu mamnuucayo gaadiidka Isteerin Midigta ah, waxaana marka aad tagto goobaha lagu iibiyo nooc-yada kala duwan ee gaadiidka kuu muuqanaya in tirada ugu badan yihiin kuwa u sameysan dhinaca Midigta oo ah kan ay hadda dowladdu mamnuucday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/2/2018 1:43 PM EST
Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Toddobaadkan labo qof oo Soomaali ah ayaa ku geeryooday dalka Switzerland,sida ay xaqiijiyeen jaaliyadda Soomaalida.

10/2/2018 1:28 PM EST
Talaado, October. 02, 2018 (HOL)-Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho aqoon-isweydaarsi socday dhowr maalmood, kaas oo looga hadlaayey doorka ay dhallinyaradu ka qaadan karaan sidii magaalada Muqdisho loogu heli lahaa biyo nadiif ah.

10/2/2018 12:51 PM EST
Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka sare ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta Galmudug in la ilaaliyo midnimada iyo wadatashaqeynta hay'adaha dastuuriga ah, waxaa kalo u guddiga ku baaqay in dib loo soo celiyo wadashaqeyntii hay'adahaas ay lahaayeen ka hor khilaadka haatan jira.

10/2/2018 10:23 AM EST
Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Daraasadan oo ay wada jir u diyaariyeen hay'adaha Ipsos Limited iyo Farsight Africa Research ayaa lagu sheegay in uu jiro hoos u dhac weyn oo ku yimid kalsoonida Shacabka ay ku qabeen madaxada Qaranka marka la bar bar dhiggo sanadkii 2017da.,

10/2/2018 9:29 AM EST
Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyada dilkii loo gaystay xalay 4 qof oo Itoobiyaan ah,sida lugu baahiyay bog taageerrada kooxda.

10/2/2018 8:04 AM EST
Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise oo ka tirsan golaha aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa sheegay dib u habeyn inay u baahanyihiin golaha,isagoo marka ku baaqay Wasiirrada xildhibaannada ah inay isaga tanaasulaan xubinimada Baarlamaanka.

10/2/2018 7:35 AM EST
Talaado, October, 02, 2018 (HOL)–Midowga Yurub ayaa ballan-qaaday inay sii wadi doonan taageerrada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda,kaddib markii Isniintii la weerarray mid ka mid ah gaadiidkooda oo marayay agagaarka wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho

10/2/2018 7:05 AM EST
Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Militariga Mareykanka ayaa sheegay inay ugu yaraan sagaal dagaalyahan oo ka tirsan ururka al-Shabaab ay ku dileen duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday koonfurta Soomaaliya, taasi oo la fuliyey kaddib markii Shabaabka ay weerarreen ciidamadda dowladda Soomaaliya.

10/2/2018 4:27 AM EST
Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal ,G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumar Fara-weyne ) u magacaabay taliyaha ciidanka kaydka Puntland.

10/2/2018 3:50 AM EST
Talaado, October, 02, 2018 (HOL)–Ugu yaraan 4 ruux ayaa geeryooday tiro kalana waa ay dhaawacmeen,kaddib markii Gaari nooca xamuulka qaada ah uu ku rogmaday deegaanka Gawaan ee koonfurta gobolka Mudug, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta deegaanka.

10/2/2018 3:05 AM EST
Talaado, October, 02, 2018 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa u sheegay wasiir kasta oo xukuumadda ka tirsan inuu wasaaraddiisa ka billaabo isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

10/2/2018 2:10 AM EST
Talaado October, 02 2018(HOL)Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Dr.Fowsiya Abiikar Nuur ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota,dadwayne isagu jiray dhaqaatiir,aqoonyahano, odayaal ,ururada haweenka, ardayda barata caafimaadka ayaa soo buuxiyey xaruntii lagu soo dhaweeynaayey Wasiir Fowzia.

10/2/2018 1:09 AM EST
Talaado, October, 02, 2018 (HOL)–Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Sacuudiga ayaa lagu cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala eegtay ciidan ka tirsan Midowga Yurub oo u dhashay dalka Talyaaniga.

10/2/2018 12:53 AM EST
Talaado, October, 02, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay isticmaalka iyo ka ganacisga dawada loo qaato cudurka TP ama qaaxada ay uga sii dartay sii faafitaanka cudurkan oo siweyn ugu fidaya guud ahaanba dalka.