4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2018
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyey Minnesota Sawiro & video

Talaado October, 02 2018(HOL)Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Dr.Fowsiya Abiikar Nuur ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota,dadwayne  isagu jiray dhaqaatiir,aqoonyahano, odayaal ,ururada haweenka, ardayda barata caafimaadka ayaa soo buuxiyey xaruntii lagu soo dhaweeynaayey Wasiir Fowzia.

Wasiirada oo sheegtay in ay dalkaan Maraykanka u timi ka qaybgalaka Shirkii Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa ee dhawaan ka dhacay magaaladda NewYork,ay na ka mid aheed wafdigii mataalayey dowladda Soomaaliya,shirar gooni ahna la yeesheen ha’adaha quseeya arimaha caafimaadka ee ku suganaa xarunta Qaramada Midoobay.

Kulanka dadkii ka soo qaybgalay waxaa ka mid ahaa dhaqaatiir Soomaaliyeed ku waas oo qiray in Dr.Fowziya ay shaqo wacan ka qabatay hawlaha Caafimaadka ee dalkii ka jira, Dr. Fowzia Abraar oo ka mida dhaqaatiirta waawayn ee Minnesota ayaa sheegtay in Wasiiradu ay tahay qabiir dhanka caafimaadka bulshada ah taas oo baahi wayn dalka ka jirto xaga wacyi galinta iyo ka warqabka ayna ku faraxsan tahay qof caafimaadka baratay hadana masuulkii ugu sareeaya ka ah hay’ada caafimaadka,

Xubnaha ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa wasiirada ku amaanay kaalintii muga lahayd ee ay ka qaadatay samabixintii dadkii ku waxyooloobay qaraxii Soobe, waxayna ugu danabyntii hawsha ay dalka ka qabatay labadii sano ee la soo dhaafay ku gudoonsiiyeen abaalmarin uu gudoonsiiyey Eng. Jabril Afyare oo ah xubin firfircoon jaaliyadda Soomaalida Minnesota.

Dr. Fowzia Abiikar oo iyaduna la hadashay dadwaynaha mahadcelin kadib waxay ka warbaxisay xaalada caafimaad ee dalka baahiyaha ka jira, waxayna aad uga hadashay tayada dhaqaatiirta soo baxaya oo aad u hoosayso,waxayna wax laga xumaado ku tilmaamtay wax soosaarka qaybo ka tirsan jaamacadaha Soomaaliya ee qaybaha caafimaadka leh.

Wasiiradu waxay sheegtay in dhawaan dib u habayn wayn lagu sameen doono Isbitaalada Banadir & Martini markaa kadibna ay ahaan doonaan kuwo u shaqeeeya shacabka Soomaaliyeed waxayna aheed arin ay aad ugu farxeen dadwaynahii dhagaysanaayey khudbada Wasiiradda.

Kulankii xalay ayaa ahaa mid ka duwan kulumada Minnesota lagu qabto xaga dadka kala duwan ee ka soo qaybgalay kuwaas oo u badnaa kuwo daneenaayey inay wax ka ogaadaan heerka caafimaadka dalka Soomaaliya marayo iyo dhalinyaro badan oo baratay maadada caafimaadka daneenayeyna inay Soomaaliya ka soo shaqeeyaan xiliyadda ay fasaxa ku jiraan,

Siyad Said Salah

[email protected]

Minneapolis,MN