4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2018
Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga oo dhiiri-galinaya nabada Itoobiya iyo Eritrea

 

Jimco, October, 12, 2018 (HOL)–Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa booqasho rasmi ah ku maraya dalalka Eritrea iyo Itoobiya, isaga oo booqasho ku tagay caasimadaha labada dowladood.

Booqashada Giuseppe ayaa la xiriirta dhiirigalinta nabada ka hanaqaaday guud ahaan gobolka, gaar ahaa xiriirka dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo caadi ku soo laabatay 20 sano kaddib oo colaad u dhaxeysay.

Waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea oo siweyn loogu soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha, dhinaca Asmara waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweyne Isaias Afwerki.

 

Safarka Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ee dalalka Eritrea iyo Itoobiya ayaa la xiriirta xoojinta xiriirka uu Talyaaniga la leeyahay dalalkaas oo xilligan u furmay bog cusub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]