4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2018
Xusuus loo sameeyay Qaraxii 14kii October sanadkii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe

 

Jimco, October, 12, 2018 (HOL) –Iyadoo hal sano laga joogo qaraxii lagu hoobtay ee 14kii Octobar ee sanadkii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe ayeey dowladda Soomaaliya sheegtay in la xusuusan doono mahadhooyinkii laga dhaxlay qaraxa.

Waxaa xalay Isgoyska Zoobe laga taagay Taalo lagu xusay qaraxa oo ay ku dhinteen dad kor u sii dhaafaya 700 oo ruux oo isugu jira nooc walba oo bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa xus u sameysaneysa sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay musiibadii qaraxii Isgoyska Zoobe.

Taaladan ayaa la suray bartamaha Isgoyska Zoobe, waxaana dad badan ay hadal hayeen taaladan laga taagay Isgoyska Zoobe.

Waxaa ka soconaya magaalada Muqdisho diyaar garow ku aadan sanad-guurada iyo xuska loo sameynayay daddii ku dhintay musiibadaas,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]