3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2018
Jamal Khashoggi oo loo maleynayo in ay dileen dad laga soo diray dalka Saudi Arabia

 

Jimco, October, 12, 2018 (HOL)– Waxaa isa soo tareysa cambaareyn caalami ah loo jeedinayo dalka Saudi Arabia oo ilaa iyo hadda aan war ka soo saarin halka uu ku danbeeyay wariye Jamal Khashoggi oo markii ugu wardanbeysay ku sugnaa Qunsuliyada Sacuudiga ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka dalbaday Boqortooyada Sacuudiga in ay jawaab deg deg ah ka soo bixiso arinka suxufiga lagu waayay gudaha Qunsuliyadooda Turkiga, waxaana laga yaabaa in arintan ay kala kulanto Boqortooyada Cunaqabateyn.

Diblomaasiyiin waaweyn oo caalami ah ayaa iyaguna ku soo biiray oo xoojinaya cadaadiska lagu hayo Boqortooyada si loo helo macluumaad sax ah oo ku saabsan wariyaha.

Gabadhii u doonanayd wariye Khashoggi ayaa ka baqaysa in la afduubtay ama la dilay, halka masuuliyiinta Turkiguna ay ka rumaysan yihiin in ay dileen dad Sacaduudiga laga soo diray oo diyaar qaas ah ku yihim dalka Turkiga.

Dhanka kalana Sir Richard Branson oo ah maalgashade Ingiriis ah ayaa sheegay in uu hakiyay maalgashigii uu ku samayn lahaa Sacuudi Carabiya, wuxuuna arrintaas ku sababeeyay saxafiga la waayay.

Jamal ayaa u tagay Qunsuliyada in uu helo dukumiintiyo la xiriira guurkiisa, laakiin war lagama helin wixii ka danbeeyay markii uu gudaha u galay dhismaha Qusuliyada.

Dowladda Turkiga ayaa laftirkeeda dhacdadan siweyn uga walwal qabta, waxaana uu Turkigu doonayaa in deg deg loo cadeeyo halka uu ku danbeeyay Jamal Khashoggi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/12/2018 3:40 PM EST
Jimco, October, 12, 2018 (HOL) – Kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayeey dowladda Soomaaliya kula soo wareegtay qalabkii ugu danbeeyay ee kontaroolka hawadda Soomaaliya.

10/12/2018 1:06 PM EST
Jimco, October, 12, 2018 (HOL) – Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa wadaad diinta kirishtanka faafiya oo Mareykan ah ku heshay dambi argagixisanimo, hase yeeshee xukuntay in labadii sano ee uu xabsiga ku jiray ay la macno tahay inuu waqtigiisa qaatay oo uu dalka ka bixio karo.

10/12/2018 12:57 PM EST
Jimco, October, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

10/12/2018 10:46 AM EST
Jimco, October, 12, 2018 (HOL)–Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa booqasho rasmi ah ku maraya dalalka Eritrea iyo Itoobiya, isaga oo booqasho ku tagay caasimadaha labada dowladood.

10/12/2018 7:22 AM EST
Jimco, October, 12, 2018 (HOL) – Shrikadaha warbaahinta ayaa isaga baxaya ka qeybgalka shirk u saabsan maalgashiga oo lagu waday in uu ka dhaco magaalada Riyaadh ee dalka Sucuudiga sababo la xiriira walaac ay shirkadahaasi ka muujiyeen weriye u dhashay Sucuudiga oo la la'yahay.

10/12/2018 6:48 AM EST
Jimco, October, 12, 2018 (HOL) –Iyadoo hal sano laga joogo qaraxii lagu hoobtay ee 14kii Octobar ee sanadkii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe ayeey dowladda Soomaaliya sheegtay in la xusuusan doono mahadhooyinkii laga dhaxlay qaraxa.

10/12/2018 6:39 AM EST
Jimco, October, 12, 2018 (HOL)–Guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay ay jirto habacsanaan dhinaca amniga, kaddib warbixin ay baarlamaanka ka siiyeen amaanka guud ahaan dalka.