4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2018
Garoowe: Shirkii dib u eegista dastuurka oo war murtiyeed laga soo saaray

Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Shirkii dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya  oo ka socday saddex maalin magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa la soo gabagabeeyay,iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed.

Shirka ayaa muddada uu socday waxaa ka qaybgalay guddiyada dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer maamul gobolleed, waxaana la tashi lagala sameynayay guddiyada dastuurka dowlad gobolleedyada shan cutub oo kamid ah dastuurka kuwaas oo dib u eegis lagu sameeyay.

War murtiyeedka shirka ka soo baxay ayaa lugu sheegay in bisha labaad ee sannadka 2019 la qaban doono shir kale oo looga dooddi doono cutubyada dasuurka ee ilaa iyo hadda dib u eegista lagu sameeyay,waxaa kalo dhinacyada shirka ka qaybgalay ay ku ballameen in la dardargeliyo qabyo tirka iyo dib u eegiska dastuurka Soomaaliya.

Gabagabadii, war murtiyeedka shirka laga soo saaray ayaa  baaq de deg ah oo ku aaddan xallinta khilaafka loogu  diray madaxda heer federaalka iyo heer dowlad gobolleed si loo dardargeliyo dib  eegista dasuurka lagana fogaado wax walba oo caqabad ku noqon kara howlaha dib u eegista dastuurka dalka.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]