Hiiraan Online
4/25/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2018
Maalqabeenka ugu da'yar Afrika oo la afduubay
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Taajirka ugu da'yar Afrika ayaa niman wajiga duuban, waxaa ay ka afduubteen hoteel ku yaalla magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.
Booliska oo xaqiijiyay afduubka ayaa sheegay Maxamed Dewji oo 43 jir in si qasab ah looga ka xeystay qaybtiga jimicsiga ee hoteel uu marka ku sugnaa , waxaana afduubka lala xiriiriyay labo ruux oo ajanabi ah.
Ilaa hadda ma cadda ujeeddada laga leeyahay afduubka Maxamed Dewji oo lagu sheegay inuu yahay ninka ugu da'yar taajiriinta Afrika, iyadoo afduubkiisa loo xirey saddex ruux.
Dewji oo ganacsade ah ayaa hadda hantidiisa lagu qiyaasay ku dhawaad 2 bilyan oo doollarka Maraykanka ah ayaa sidoo kale ah bilyanaarka kaliya ee ka soo jeeda dalka Tanzania, sida ay baahisay jariidadda dadka ladan ka faaloota ee Forbes.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]